Maamulka G/Sh.Hoose oo ka hadlay Hakad ku yimid Howlgalka Badweynta Hindiya.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur “Siidii” ayaa ka warbixiyay Hakad ku yimid Dagaalka ka dhanka aha Al-shabaab ee Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ka wadaan Gobolka Shabellaha Hoose.

Maamulka G/Sh.Hoose oo ka hadlay Hakad ku yimid Howlgalka Badweynta Hindiya.

C/qaadir Siidii ayaa sheegay ujeedka Dagaalka Gobolka Shabellaha Hoose loo joojiyay uu yahay Dalab Maamulka uga yimid Dhalinyarada u dagaalama Al-shabaab oo doonaya in ay isku soo dhiibaan Maamulka.

“Hadii uu dagaala sii socdo Dhalinyarada Al-shabaab ka tirsan ma helayaan meel ay soo maraan oo Wadooyinka ayaa Xiran,waxaan go,aan sanay in Mudo dagaalka aan joojino si aan fursad u siino Dhalinyaradaas Shabaabka ka tirsan ee Dowladda raba in ay ku soo biiraan “ayuu yiri Siidii.

Gudoomiye Siidii ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan Dhalinyaro iska soo dhiibtay Qoryooleey iyo Buula Mareer oo kawada tirsan Gobolka Shabellaha Hoose,kuwaas oo Dowladda Soomaaliya ay soo dhaweysay.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  Siidii

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS