7 entries

Articles Published on September 19, 2014

Sarkaal u hadlay Milateriga oo sheegay inay isku soo dhiibeen xubno ka tirsan Al-shbaaab

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka ee gobolka Hiiraan Col. Cismaan Cabdi Muumin oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay inay isku soo dhiibeen xubno Al-shabaab ka tirsan.

Shir wada tashi ah oo lagu diidan yahay midka Kismaayo oo ka furmaya Garbahaarey

Waxaa maalinta berri lagu wadaa inuu magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ka furmo shir wada tashi ah oo ka dhanka ah midka ka socda magaalada Kismaayo, iyadoo shirkan lagu tilmaamay mid ay dadka reer Gedo uga tashanayaan aayahooda.

Guddoomiyaha Wardhiigley oo AMISOM uga digay inay dhexmaraan degmada

Guddoomiyaha degmada Wardhiigley, Yaasiin Nuur Ciise ayaa ka dalbaday ciidamada AMISOM ee Muqdisho jooga inay xalliyaan dilka wiil yar ay gaadiidkoodu shalay ugu geysteen wiil yar oo dhowr iyo toban jir ah.

Xukuumadda Soomaaliya oo si hordhac ah u soo bandhigtay tirada guud ee Shacabka Soomaaliyeed (SAWIRRO)

 Munaasabad lagu soo bandhigayay tirokoobka aan rasmiga ahayn ee shacabka Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay madaxtooyada Somalia, waxaana goobjoog ka ahaa munaasabadda ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka diinta iyo awqaafta, Ridwaan Xirsi Maxamed, wasiirro, mas’uuliyiin k socday hay’adda UNFPA ee Qaramada Midoobay iyo marti sharaf kale.

Ururka IS oo soo bandhigay saxafi British ah oo ay afduub u haystaan

Ururka IS ayaa soo bandhigay cajalad muuqaal ah taasoo uu ka soo muuqday saxafi u dhashay dalka Britain oo sheegaya in uu yahay maxbuus u xiran IS.

Xaamud “Sanadka 2016 wuxuu qorshuhu yahay in Ciidamada Soomaaliyeed inay ammaanka dalka la wareegaan”

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in qorshaha mustaqbalka dhow ee dhismaha ciidamada xooga dalka uu yahay sidii ay ammaanka guud ee dalka Soomaaliya ula wareegi lahaayeen.

Deeq-bixiyeyaasha oo taageero u ballanqaaday dhismaha ciidamada Somalia

Dalalka deeqaha bixiya ayaa taageero lacageed ugu deeqay ciidamada dowladda Somalia, si loo tayeeyo awoodda ciidamada dowladda, kaddib kulan maalin ah oo shalay ka dhacay magaalada London ee xarunta Britain.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS