Banaanbax lagu Taageerayo Hawlgalka Badweynta Hindiya oo Muqdisho ka dhacay”Sawiro”

Waxaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho banaanbax ay soo abaabuleen shacabka ku dhaqan caasimadda Muqdisho kaasi oo lagu taageeryay Hawlgalka Badweynta Hindiya ee ka dhanka ah Ururka al-Shabaab ee ay Ciidamada Dawladda Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta midowga Afrika ay ka wadaan Gobollo badan oo dalka ah.

Banaanbax lagu Taageerayo Hawlgalka Badweynta Hindiya oo Muqdisho ka dhacay”Sawiro”

Banaan-baxaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kale duwan ee ururadda Bulshada iyo qaar ka mid ah madaxda Maamulka Gobolka Banaadir oo halkaasi kula hadlay dadweynahii isugu yimid dibadbaxa,waxana ka mid ah masuuliyiintii goobta ka hadlay Afhayeenka Maamulka G/Banaadir Mudane,Cali faraax Maxamuud (Cali Seeko) oo shacabka isugu soo baxa sameynayay kula hadlay goobta, sheegayna inay muhiim tahay in la taageero Hawlgalka Badweynta Hindiya ee ciidaamda xoogga dalka Soomaaliyed iyo kuwa Amisom uga xoreynayaan qaar ka mid ah gobollada dalka kooxda al-Shabaab iyo sidoo kale in la muujiyo amniga soo hagaagaya ee caasimadda Muqdisho.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab oo uga mahadcelisay dadkii ka qeyb galay banaanbaxa nabadeed ee lagu taageerayayHawlgalka Badweynta Hindiya waxa ayna sheegtay inay muhiim tahay in la taageero ciidamada qalabka sida iyo sidoo kale nabadda Horurmarka sameynaysa ee magaalada Muqdisho.

DSCF0399 DSCF0411 DSCF0420 DSCF0423 (1) DSCF0423 DSCF0433 (1) DSCF0433 DSCF0434 DSCF0438 DSCF0448

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS