6 entries

Articles Published on September 16, 2014

Xildhibaan Warbixin Xasaasi ah ka qoray EBOLA-ha siyaasadeed ee ka taagan Dalka Soomaaliya!!!

Labadii todobaad ee ugu dambeysay qaranka Soomaaliyeed wuxuu la il daran yahay EBOLA siyaasadeed, jaah wareer Dastuuri ah, loollan awoodeed iyo ifafaale is-riix-riix aan dalka iyo dalkiisaba dan u aheyn! Waxa bannaanka yaalla hardan iyo qab, dhanba, dhanka kale ku taamayo inuu ku muquuniyo! Waxaad mooddaa, in laga tagayo, waxa la Isku haayo wax ka weyn, ka mudan, kana nuxur sarreeya, waxa fadhiid ah adeegyadii bulshada, Waxaan muuqan u danqasho kuwa abaaraha iyo colaadaha la dhalbar jaban ee kuweennii ay ka dhur sugayeen Isku mashquulnay halkii aan u gargaaristooda iyo u adeegiddooda aan ku mashquuli laheyn!

XASAN SHEEKH: “Dowladdu waxay xoogga saaraysaa dhismaha maamullada”

 Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud oo furay wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xoogga saarayso dhismaha maamul goboleedyada dalka.

Banaanbax lagu Taageerayo Hawlgalka Badweynta Hindiya oo Muqdisho ka dhacay”Sawiro”

Waxaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho banaanbax ay soo abaabuleen shacabka ku dhaqan caasimadda Muqdisho kaasi oo lagu taageeryay Hawlgalka Badweynta Hindiya ee ka dhanka ah Ururka al-Shabaab ee ay Ciidamada Dawladda Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta midowga Afrika ay ka wadaan Gobollo badan oo dalka ah.

Howlgal lagu qabtay dhallinyaro badan oo laga sameeyay Degmada Wadajir

Howlgal lagu soo qabqabtay tiro dad ah lagu soo qabqabtay ayay ciidamada booliiska iyo nabadsugidda Somalia ka sameeyeen maanta xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, iyadoo hakad la geliyay isku socodka gaadiidka iyo ganacsiga intii uu howlgalku socday.

Waalidiin Sheegay in Caruurtooda ay ku biireen Daacish & Al-shabaab

Bogga Tv,ga Al-Carabiya ayaa qoray warbixin ku saabsan in qoysas Soomaaliyeed oo degen Maraykanka ay hadda wal wal aan yareyn qabaan caruur ay dhaleen oo ay waayeen aaminsan yihiina inay ku biireen ururka Daacish ee ka aas aasan dalalka Ciraaq iyo Syria.

Al-shabaab oo beenisay war ay baahiyeen dowladaha Maraykanka iyo Uganda

Ururka Al-shabaab ayaa  beeniyay war ka so yeeray dowladda Uganda oo la xiriiray in ciidamada dowladdaas  ay fashiliyeen weerar qorshaysan oo ay Al-shabaab soo abaabushay ,kaasi oo la sheegay in lala damacsnaaa magaalada Kampala.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS