Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho oo bilaabay in ay gacanta ku dhigaan Kooxaha hubeesan ee dilka u geesta

Shacabka Magaalada Muqdisho qaarkood ayaa bilaabay in ay ku dhiiradaan in ay gacanta kusoo dhigaan raga Bistooladaha hubeesan ee dilalka qorsheesan inta badan ka geesta Qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho.

Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho oo bilaabay in ay gacanta ku dhigaan Kooxaha hubeesan ee dilka u geesta

Waxaa xalay Xaafada Soonakey ee Degmada Hodan ka dhacay Dil kooxo bistoolado ku hubeesan ay u geesteen askari katirsanaa Ciidamada Qaada canshuuraha iyadoona kooxihii dilka geestay aysan u suurto galin in ay fakadaan.

Shacab ka agdhawaa halkii uu dilku ka dhacay ayaa durba kadaba cararay ragii dilka geestay waxa ayna gacanta kusoo dhigeen labo nin oo ka dambeeyay dilka loo geestay Askariga katirsanaa Minishiibiyada Muqdisho.

Gudoomiyaha Degmada Hodan ayaa Warbaahinta u sheegay in gacanta lagu hayo ayna hada kuxiran yihiin Xarunta Dambi baarista CID-da labo nin oo xalay dil ka geestay Degmada Hodan ayna gacanta kusoo dhigeen dadka degmadaasi.

Waa markii ugu horeesay ay shacabka Magaalada Muqdisho ku dhiiradana in ay gacantooda kusoo qabtaan raga dilalka iyo dhibaateenta ka geesta Magaalada Muqdisho .

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS