Daawo sawiradda:Siilaanyo oo Xariga ka jaray Qaadashadda Baasaboorka Cusub ee Somaliland

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa  si rasmiya u furay qaadashada Baasboorka Somaliland ee Cusub ee loo yaqaano E-passport-ka.

Daawo sawiradda:Siilaanyo oo Xariga ka jaray Qaadashadda Baasaboorka Cusub ee Somaliland

Madaxweynaha ayaa noqday qofkii ugu horeeyey ee qaata Baasaboorka Somaliland ee cusub,isla markaana xadhiga ka jaray xafiisyo cusub oo loogu tallogalay in lagu bixiyo E-passporkan cusub.

Munaasibad  balaadhan oo xarunta laanta socdaalka Somaliland lagu qabtay ayaa lagu soo bandhigay saddex Baasaboor oo cusub oo ay Somaliland yeelan doonto, waxaanu madaxweynuhu sheegay inay xukuumaddu ka go’antahay inay dalalka caalamka ka dhaadhiciso sidii loogu taggi karo.

Taliyaha ciidamadda laanta socdaalka ayaa sheegay in 26 dal ay u ballanqaadeen in lagu tagi karo,isla markaana ay dalalka kale ee caalamkana ka dhaadhicin doonaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Waran Cadde ayaa sheegay in Passporkan cusub ka kooban yihiin saddex nooc oo kala ah passporka Diplomat-ka, Passporka Shaqaalaha dawladda iyo Passporka dadka caadiga ah.

“Talaabadan maanta la qaaday waa mid horumar u ah Somaliland, Insha Allah waxaan rajaynayaa in lagu guulaysto oo dadkeena iyo dalkeenana anfacda, waxaanan leeyahay hambalyo cidkasta oo ka hawl gashay arintaasi” ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ka hadlayey furista dal ku galkan cusub ee ay Somaliland samaysatay.

Basboorkan cusub ayaa lagu bedelayaa kii hore ee Somaliland, waxaana  hore loogu tagi jiray dalal kooban, haseyeeshee waxay madaxdu sheegeen in passporkan cusub ogolaadeen dalal kale oo badan.

2014910635459202933391978DSC_0462 2014910635459203272183848DSC_0487 2014910635459203338461575DSC_0485 2014910635459203543801364DSC_0509 2014910635459203685955151DSC_0516 2014910635459204134375982DSC_0548 2014910635459204275237038DSC_0540 2014910635459204400586293DSC_0568 2014910635459204649320488DSC_0563 2014910635459204735430573DSC_0551 2014910635459205016021109DSC_0566

Section  Somali
Category   Local News
Tag  Somaliland

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS