Ciidamada ammaanka oo saakay howl gallo ka wada wadooyin ka mid ah Muqdish0

Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa saakay howl galo ka duwan kuwii hore ka wada wadooyin dhowr ah oo ku yaal Caasimada, iyadoo la baarayo dadka iyo gaadiidka.

Ciidamada ammaanka oo saakay howl gallo ka wada wadooyin ka mid ah Muqdish0

Howl galladan oo soo bilowday xalay fiidkii ayaa ciidamada waxay isgoys walba ku baarayaan gaadiidka, waxaana ay ka dejinayaan dadka saaran oo ay baarayaan.

Meelaha ay howl galada ka socdaan waxaa ka mid ah Isgoyska Banaadir ilaa Madaxtooyada, halkaasoo gaadiidka si aad ah loogu baarayo.

Gaadiidka dadweynaha ayaa ka mid ah kuwa ay ciidamada baarayaan, kana dejinayaan dadka saaran, sidoo kale gaadiidka gaarka loo leeyahay ayay ciidamada baaritaan ku sameynayaan qeybaha dambe, gudaha iyo qeybta hore ee matoorka.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay xataa dadka saaran gaadiidka ay wajiyadooda eegayaan, sida inay dad ay garanayaan oo kale inay ku raad-joogaan.

Wasaarada Amniga Qaranka ayaa digniin ay soo saartay dhowaan ku sheegtay inay dhici karaan weeraro ay geystaan Al-Shabaab, isla markaana ay ugu aar-gudaan Hogaamiyahooda la dilay Axmed Godan.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  howl-gal muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS