7 entries

Articles Published on September 7, 2014

Nabadsugidda oo Albabbaada isugu dhuftay Idaacadaha Kulmiye iyo Simba

Ciidanka nabadsugidda Qaranka ayaa albaabada u laabay saaka idaacadaha Kulmiye FM iyo Simba FM oo ka mid ah idaacadaha ka howlgala Muqdisho, iyadoo shaqaalihii idaacadahaasna qaarkood xabsiga loo taxaabay.

INDHA-CADDE: Abuu-Cubeyda wuxuu ka mid yahay raggii aasaasay Shabaab

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-cadde) oo ka mid ahaa madaxdii maxkamadihii Islaamka ayaa sheegay in hoggaamiyaha cusub ee Xarakada Al-shabaab, Axmed Cumar Abuu-Cubeyda uu ka mid ahaa raggii aasaasay kooxda.

Dagaallo ka socda Waqooyiga Yemen iyo xiisado ka taagan Magaalada Sanca

Dagaallo u dhaxeeya maleeshiyaadka Shiicada ah iyo xoogagga dowladda Yemen ayaa ka socda gobalka Al-Jawf ee Waqooyiga dalka Yemen.

Al-Shabaab oo ku Goodisay inay dagaallada sii Xoogeysan doonaan

Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa sheegay inay sii soconayaan dagaallada ay kula jiraan dowladda iyo AMISOM kaddib dilkii Amriikoodii hore, Axmed Cabdi Godane, isagoo ku gooddiyay inay xabaddu sii qarxayso.

Dhageyso Warka Axadnimo ee Warbaahinta Sagal

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal  oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
Halkaan ka dhageyso

Waa kuma Hogaamiyaha Cusub ee Al-shabaab maxadse kala socotaa Taariikhdiisa.

Hogaamiyahan cusub ee Alshabab Ahmed Omar  Abucubeyd waxa uu kudhashay magaalada Qalaafe oo katirsan gobolada maamulka soomaalida ee bariga ethipia sanadkii 1970 waxaa kusoo barbaaray kuna soo qaatay waqtigiisa qeyb kamid ah isla magaalada uu kudhashay ee qalaafe.

Daawo Sawirada Golaha Wasiirada oo Xilkii ka qaaday Taliyihii Hay'ada Nabad Sugida Taliye KMG ahna Magacaabay

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shir aan caadi ahayn oo shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed. Shirka ayaa looga hadlay amniga guud ee dalka, iyadoo golaha Wasiiradu xilkii ka qaadeen Agaasimihii Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya Cabdulaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS