Lix Waxyaabood Oo Aad U Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato Saxiixa Cusub Ee Man Utd Falcao.

Manchester United ayaa sameysay saxiixii ugu weynaa maalintii ugu danbeysay ee suuqa kala iibsiga iyagoo si lama filaan ah amaah kula soo wareegay weeraryahanka Monaco Radamel Falcao.

Lix Waxyaabood Oo Aad U Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato Saxiixa Cusub Ee Man Utd Falcao.

Louis van Gaal ayaana kaga badiyay tartanka saxiixiisa kooxaha Premier League ee Manchester City iyo Arsenal iyadoo lacagta ay qarashgareeyeen ay iminka ku dhawaaneyso 200 milyan ginni.

Waxaan halkaan idin kugu soo bandhigeynaa lix waxyaabood oo aad u baahan tahay inaad ka ogaato gooldhaliyaha reer Colombia.

1 Falcao García Zárate waxaa loogu magacdaray ciyaaryahankii khadka dhexe ee Brazil Paulo Roberto Falcao, kaasoo ka dhex muuqday Koobkii Adduunka ee 1982.

2 Falcao ayaa ku biiray kooxda Lanceros Boyaca ee heerka labaad ee kubada cagta Colombia, waxaana uu kulankiisii ugu horeysay saftay 1999kii isagoo kaliya 13 sanno jir ah.

3 Xaaskiisa waa Lorelei Taron, waa heesaa u dhalatay dalka Argentina, waxaana lamaanahan ay wadagaan gabar hal sanno jir ah oo la yiraahdo Dominique Garcia.

4 Falcao aabihiis oo la yiraahdo Radamel Garcia waxa uu isagana ahaa ciyaaryahan ku xamaasha xirfadaan. Waxa uu difaac ka ahaa horyaalka heerka koowaad ee Colombia 80meeyadii.

5 Markii Falcao la dhaawacay ka hor Koobka Adduunka 2014, taageerayasha Colombia ayaa hanjabaado dil ah u diray ciyaaryahankii dhaawacay isaga, daafaca kooxda Monts d’Or Azergues ee Soner Ertek.

6 Falcao ayaa xitaa leh ciyaar gacmeedkiisa u gooniga ah oo la yiraahdo Falcao v Alliens, halkaasoo uu ku badbaadinayo ciyaarta quruxda badan, balse miyuu badbaadin doonaa Man United?

Section  Somali
Category   Local News
Tags  man utd

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS