Faah-faahin dheeraad ah oo ka soo baxeyso Duqeyntii Cirka ee Shabellaha Hoose

Pentegonka mareykanka ayaa laga soo xiganayaa in mareykanku duqeyn xaga cirka ah uu kafuliyay gobolka shabelada hoose goobo ay kaga suganyihiin hugaamiyaasha Al-shabab ,balse pentagon-ka mareykanku ma’uusan cadeenin in howlgalkan uu guuleystay ama uu fashilmay.

Faah-faahin dheeraad ah oo ka soo baxeyso Duqeyntii Cirka ee Shabellaha Hoose

Kudhawaad 6 gantaal ayaa lasheegay in diyaaradaha darooniska mareykanka ay kugaaraaceen inta udhaxeesa Sablaale iyo Hawai oo udhow magaalada Degada leh ee ay aadka ugu xooganyihiin Al-shabab ee Baraawe.

“Waxaynu sahmineenaa natiijada howlgalkan waxaana soo gudbin doonaa  faafaahin dheeri ah marka ku quman” sidaa waxaa yiri afhayeenka Pentegonka mareykanka John Kibry.

Pentegonka ma’uusan kala cadeen sidoo kale in howlgalka kaliya uu ku egaa diyaaradaha darooniska iyo in ay kulug lahaayeen ciidamada sida qaaska ah u tababaaran ee mareykanka oo dhulka kusugnaa.

Gudoomiyaha gobolka shabelada hoose ee dowlada Somalia abduqadir maxamad nuur siidii oo wareeysi siinayey  ,VOA Somali ayaa xaqiijiyay in duqeynta lala eegtay koob sida uu yiri ay isku aruursanayeen saraakiil sar sare oo katirsan ururka Alshabab.

Marka laga sootago warka gudoomiyaha shabelada hoose ee sheegay in hugaamiyaha Alshabab uu goobta kusgnaa majirto cid ka madaxbanaan gudoomiyaha  oo arintan xaqiijinkarta dhanka kale Warar idaacada kulmiye ay kaheeleeso gobolka Shabelada hoose ayaa sheegaya in Dhay tubaako iyo sablaale oo ay Al-shabab gacanta ay kuhayaan ay kuxirxireen tiro dad ah oo ay kujiraan xubno ururka katirsan kuwaa oo looga shakisanyahay in ay kulugleeyihiin duqeynta mareykanku uu shabelada hoose kafuliyay.

Bishii octobar 5 ciidamada bada mareykanka ayaa weerar kusoo qaaday guri bada udhow oo uu baraawe kadaganaaa Abdulkadir Mohamed Abdulkadir oo ah sarkaal sare oo katirsan Al-shabab kaa oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Kenya dowlada mareykankana ay aad ubaadi goobeesay,balse howlgalkii mareykanka ee xiligaasi waa uu fashilmay sida saraakiil America ah ay xaqiijiyeen.

Maamulka madaxweyne obama ayaa madaxa hugaamiyahaas alshabab katirsan ee Abdikadir Mohamed abdikadir waxa uu dul dhigay lacagdhan $3 million ,lacagtaa oo lasiinayo cidii macluumad kakeenta ninkaasi mareykanku uu baadi goobayo.

Al-shabab Wali kama aysan hadlin  duqeyntan mareykanku uu kageystay inta udhaxeesa degmada sablaale iyo haawaay ee gobolka shabelada hoose halkaa oo lasheegay in bartilmaameedka diyaarada darooniska mareykanku uu ahaa in ay duqeynta la’eegtaan hugaamiyaha guud ee Alshabab sheikh mukhtar abdirahman abuu zubeir.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  Hoose shabeelaha

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS