8 entries

Articles Published on September 2, 2014

Maraykanka oo sheegtay duqeyn xalay ka dhacday gobolka Shabeellada Hoose

Maraykanka ayaa sheegtay inuu ka dambeeyey duqeyn xalay ka dhacday meel u dhexeysa deegaannada Hawaay iyo Sablaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

Faah-faahin dheeraad ah oo ka soo baxeyso Duqeyntii Cirka ee Shabellaha Hoose

Pentegonka mareykanka ayaa laga soo xiganayaa in mareykanku duqeyn xaga cirka ah uu kafuliyay gobolka shabelada hoose goobo ay kaga suganyihiin hugaamiyaasha Al-shabab ,balse pentagon-ka mareykanku ma’uusan cadeenin in howlgalkan uu guuleystay ama uu fashilmay.

Daawo Sawirada Taliyaha ciidammada Mareykanka ee Geeska Afrika oo Muqdisho yimid lana kulmay Taliyaal Ciidan

Taliyaha ciidammada Mareykanka ee dalalka Geeska Afrika Jeneral Well Crisp oo shalay Muqdisho soo gaaray ayaa booqday xarunta Villa Baydhaba iyo Wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoo uu soo indho indheeyay dhammaan qeybaha ciidammada iyo sida ay u shaqeeyaan, halkaasi oo uu war-bixinno ka dhageystay saraakiisha madaxda ka ah xarumahaasi uu maanta booqday.

Lix Waxyaabood Oo Aad U Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato Saxiixa Cusub Ee Man Utd Falcao.

Manchester United ayaa sameysay saxiixii ugu weynaa maalintii ugu danbeysay ee suuqa kala iibsiga iyagoo si lama filaan ah amaah kula soo wareegay weeraryahanka Monaco Radamel Falcao.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Nairobi uga qeyb-galaya shirka AU ee la dagaallanka argagaxisada

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galaya shir madaxeedka Midowga Afrika ee la dagaallanka argagaxisada oo maanta ka furmay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Saraakiil Mareykan ah oo sheegay in duqeyntii xalay lagu dilay Amiirka Al-shabaab

Sarkaalkiil Mareykanka ah ayaa sheegay in lagu dilay duqeyntii xalay uu Mareykanku ka geystay deegaan ku dhow degmada Sabalaale ee gobolka Shabeellada Hoose hoggaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane iyo saraakiil kale oo la socday.

Gudiga dib u heshiisiinta Jubooyinka oo bilaabay kulamo tashi ah

Gudiga dib u heshiisiinta beelaha dega Jubooyinka ayaa maanta magaalada Kismaayo ka bilaabay kulamo tashi ah oo ay la yeelanayaan beelaha kala duwan ee dega Jubooyinka, kuwaasoo la filayo in ay ka  qeybqaataan shirweeynaha dib u heshiisiinta Jubooyinka ee la qorsheynayo in 16-ka bishan uu ka furmo Kismaayo.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo kaabiga ku haya degmada Jalalaqsi

Xili gobollada koonfurta iyo bartamaha Somalia ka soconayaan howlgalo ka dhan ah Al-shabaab oo ay dowladda ugu magac-dartay India Ocean {Badweynta Hindiya] ayaa warar soo baxaya waxaa ay sheegayaan  in ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa midowgga Africa AMISOM kaabiga ku hayaan degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS