Cabdi wali Shiikh Axmed oo ku wajahan manta Baydhabo

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya C/wali Sheikh Axmed Maxamed ayaa maanta Booqasho ku tagaya Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay,halkaa oo ay ku sugan yihiin Gudigii Xukumadda Soomaaliya ay u Magacowday Dhismaha Maamulka Saddexda Gobol.

Cabdi wali Shiikh Axmed oo ku wajahan manta Baydhabo

Wararka ayaa sheegaya in R/wasaare C/wali Sheikh uu halkaa u tagayo sidii loo Xalani lahaa Khilaafka u dhaxeeya Maamulada Magaalada Baydhabo oo wali uu ka jiro ismaandhaaf Siyaasadeed.

Amaanka Magaalada Baydhabo ayaa Saaka si weyn loo adkeeyay,waxaana wadooyinka lagu Arkayaa Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare C/wali Sh Axmed ayaan la sheegin inta ay qaadan doonto Booqashada uu Magaalada Baydhabo ku tagayo.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  Raiisul Wasaaraha

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS