Ciidamada Nabadsugida oo Xabsiga dhigay Hogaamiye ka tirsan Burcadbadeeda

Ciidamada Nabadsugida Qaranka Soomaaliya ayaa Xabsiga Dhigay Sargaal sare oo ka tirsan Burcadbadeeda Soomaalida oo lagu Magacaabo Maxamed Cabdi Gafaaje.

Ciidamada Nabadsugida oo Xabsiga dhigay Hogaamiye ka tirsan Burcadbadeeda

Sargaalkaan ayaa laga soo qabtay Guri ku yaala Xaafada Labodhagax ee Degmada Wartanabada,waxaana wararku ay sheegayaan in la dhigay Xabsi Ciidamada Nabadsugida Qaranka Dadka ay ku Xiraan ee Godka Jilacaaw.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale Maxamed Cabdi Gafaaje lagu qabtay Hub iyo Gaadiid dagaal oo uu haystay.

Waxaana Wararku ay sheegayaan in Maxamed Cabdi Gafaaje lala Xiray Dhowr ka tirsan Ilaaladiisa islamarkaana hada lagu hayo Xasi ku yaala Aga gaarka Madaxtooyada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa Mudooyinkaan watay Qorshe hubka looga dhigayo dhinacyada Hubeeysan ee ku sugan Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS