Ciidanka Somaliland ee Gobolka Sool oo Qalabkii shaqo ka qaatay Wariyeyaal

Ciidamada Somaliland ayaa wariyeyaal ka mid ah kuwa ka howlgala degmada Laascaanood ee gobolka Sool waxay ka qaadeen habeenkii Jimcaha ahayd agabkii ay ku howlgalayeen.

Ciidanka Somaliland ee Gobolka Sool oo Qalabkii shaqo ka qaatay Wariyeyaal

War-fidiyeennadan ayaa waxay kala yihii; C/kariim C/llaahi Bile (Olol) oo ka howlgala telefishinka Somali Channel, C/raxmaan Cali Ducaale oo isaguna ka howlgala telefishinka Horn Cable iyo Maxamed Shaqalle Nuur oo ka howlgala telefishinka Somsat.

Qalabka shaqo ee wariyeyaashan laga qaaday ayaa wuxuu ka kooban yahay shan kaamiro, saddex kambiyuutar oo kuwa gacanta lagu qaato ah iyo hal makarafoon, waxayna tilmaameen in ciidamadan ay u sheegeen inay subixii soo doonan karaan qalabkooda, balse loo diiday markii ay kusoo xaadireen guriga gobolka, illaa iyo haddana ay la' yihiin agabkoodii shaqo iyagoo xusay in loo wargeliyay in loo qaaday magaalada Hargaysa.

Ma ahan markii ugu horreysay oo wariyeyaal magaalada Laascaanood tacadi noocan oo kale ah loo geysto xilli ay howlahooda shaqo ku gudo jireen, iyadoo ay xusid mudan tahay inay ka yimaadeen deegaanka Saaxdheer oo ay ka qabsoontay doorashadii madaxda hoggaanka maammulka Khaatumo.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  laascaanood

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS