7 entries

Articles Published on August 15, 2014

Dagaallo u dhexeeya Ciidanka dowlada, AMISOM iyo xoogagga Axmed Daaci

Ugu yaraan 10-qof oo shacab iyo askar isugu jirta ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna dhaawacyo ayaa kasoo gaaray dagaal culus oo xalay illaa saakay ku dhexmaraya degmada Wadajir ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo gacan ka helaya AMISOM iyo xoogag taabacsan guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir, Axmed Xasan Caddoow (Axmed Daaci).

Siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan: ” Madaxweynaha Raali Gelin ha ka bixiyo Eedeymaha uu u jeediyay Saxaafadda”.

Siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan ayaa sheegay in Madaxweynaha looga baahan yahay in raali gelin uu ka bixiyo eedeymaha indho la’aanta ah sida uu hadalka u dhigay ee uu u jeediyay Saxaafadda Soomaaliyeed.

KAY: Qorshaha Maamul u dhisidda gobollada dhexe ma saamaynayo Puntland

Qaramada Midoobay ayaa shaacisay inuusan qorshaha maamul u sameynta gobollada Mudug iyo Galguduud uu yahay mid aan wax saameyn ah ku yeelan doonin maamulka Puntland.

Ciidamo katirsan Dowlada oo Rasaas Xoogan ku furay dad dibad baxyo ka dhigayay Magaalada Muqdisho

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ka jira jawi ka badalan kii horey looga bartay Magaalada , waxaana Maanta qeybo kamid ah Caasimada ka dhacay dagaal aad u xoogan oo dhaliyay Qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

War Deg Deg Ah Ciidamada Nabad Sugida oo Gudaha u galay lana wareegay Xarumo Idaacadeed oo Muqdisho kuyaala

Warar aaynu heleeno Shabelle ayaa sheegaya in Ciidamo katirsan Nabad Sugida Qaranka Dowlada Soomaaliya ay goordaw gudaha u galeen lana wareegay Xarumaha labo kamid ah Idaacadaha ugu afka dheer Magaalada Muqdisho.

Saxafiyiin sheegay in Madaxweynaha meel ka dhac uu ku sameeyay Saxaafadda Soomaaliyeed

Qaar ka mid ah Saxafiyiinta Soomaaliyeed ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya in meel ka dhac weyn uu ku sameeyay Saxaafadda kadib hadal uu Madaxweynuhu ku sheegay in Al Shabaab 90 % ay ku dhexmilan yihiin.

War Deg Deg ah Axmed Daaci iyo Qaar kamid ah Ciidamadiisa oo isku dhiibay Dowlada Federaalka Soomaaliya

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Gudoomiyihii hore ee Degmada Wadajir Axmed Xasan Cadaw (Axmed Daaci) oo saakay dagaal culus la galay Ciidamada Nabad Sugida Dowlada iyo kuwa AMISOM uu goordhaw is dhiibay.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS