Xasan Sheikh oo Xalay la Kulmay Jaaliyada Soomaalida ee Minneapolis

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Xalay Jaaliyada Soomaalida ee ku nool Magaalada  Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee Dalka Mareykanka kula hadlay Jaamacad ku taala Magaaladaasi  Minneapolis.

Xasan Sheikh oo Xalay la Kulmay Jaaliyada Soomaalida ee Minneapolis

Xasan Sheikh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Dadka uu la Kulmay oga warbixiyay Xaalada Amaan ee Xiligaan dalka uu Marayo iyo sida Dowladda uu Hogaamiyo ay ugu Diyaar Garoowday Doorashada Madaxtimino ee 2016 dalka ka dhaceeysa.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale soo hadal qaaday Qatarta Al-shabaab,waxaana uu sheegay in Al-shabaab laga Aasa aasay soomaaliya islamarkaana ay ku leeyihiin Saldhigyo waaweyn Dalka Soomaaliya.

Xasan Sheikh Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa jiray Dad ku nool Magaalada  Minneapolis ee Gobolka Minnesota kuwaas oo ka soo horjeeday Siyaasada uu dalka ku Hogaamiyo inkastoo Dadka qaar uu la Kulmay.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  madaxweynaha

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS