DAAWO SAWIRRO: Shirkii dhexmaray Barack Obama & Madaxda dalalka Afrika

Maalin ka hor waxaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka lagu soo gaba-gabeeyay shirkii ugu horreeyay oo ay yeeshaan madaxda Afrika iyo madaxweye Mareykan ah, kaasoo inta badan looga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka Mareykanka iyo Afrika u dhexeeya.


DAAWO SAWIRRO: Shirkii dhexmaray Barack Obama & Madaxda dalalka Afrika

Shirkan oo ay ka qaybgaleen inka badan 50-hoggaamiye oo Afrikaan ah ayaa looga hadlay qodobbo ay ka mid yihiin, adkeynta xiriirka labada dhinac, xoojinta amniga, horumarinta dhaqaale iyo kuwo kale.

Xubnihii kulankaas ka qaybgalay waxaa ka mid ahaa madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay in la isku af-gartay dhammaan qodobbadii looga hadlay shirka, ayna Afrikaan ahaan ku faraxsan yihiin in Mareykanka uu ka ballan-qaaday shirka inuu kordhinayo taageerada uu siiyo Afrika.

Mareykanka ayaa ballanqaaday inuu balaayiin doollar ku bixinayo horumarinta Qaaradda Afrika, isagoo si gaar ah u diiradda u saaray ammaanka iyo ka hortagga cudurka halista ah ee Ebola oo kusii baahaya dalal ku yaalla galbeedka Afrika.

Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo dhexmara hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika iyo madaxweyne Mareykan ah, iyadoo la sheegay in qorshaha uu Mareykanku uu yahay si uu ganacsiga Qaaradda Afrika oo kobcaya uu ugula loolami lahaa Shiinaha.

Dowladda Washington ayaan shirkan ku casuumin madax Afrikaan ah oo ay ka mid yihiin; madaxweynaha Sudan, Cumar Xasan Al-Bashiir, madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe, madaxweynaha dalka Eritrea Issias Efwerki oo tuhmanayaal u ah reer galbeedka iyo madax kale oo Afrikaan ah.

Arrintan ayaa waxaa ka hadlay dalka Zimbabwe; iyadoo afhayeenka xukuumadda dalkaas uu sheegay in ku casuumid la'aanta shirkaas ee dalkooda aysan wax micno ah soo kodhin doonin, iyadoo la xusuusto in Robert Mogabe uu dhowr jeer oo hore dhaleeceeyay reer galbeedka.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  shirkii usa

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS