8 entries

Articles Published on August 9, 2014

Madaxweyne Geelle oo la hadlay Soomaalida iyo Jabuutiyaanka Mareykanka (Sawirro)

Xaflad lagu soo dhaweynayay madaxweynaha wadanka Jabuuti Cismaaciil Cumar Geelle ayaa xalay ka dhacday magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, waxaana ka soo qeyb galay kumanaan ka mid ah labada jaaliyadood ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Toban ruux oo Shuban biyoodka ugu Geeriyootay Gobolka Shabeellada Dhexe

Deegaanno ka tirsan magaalada Jowhar ee goolka Shabeellada dhexe ayaa wararka laga helayo sheegayaan inay toban ruux ugu geeriyoodeen cudurka shuban-biyoodka oo deegaannadaas ka dillaacay.

Dagaal Culus oo ka dhacay Degmada Buulo Burde iyo Meydad badan oo saakay lagu arkay Degmadaasi

Wararka ka imaanaya Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Xalay Saqdii Dhaxe dagaal culus oo u dhaxeeyay Dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM uu halkaasi ka dhacay.

DAAWO SAWIRRO: Shirkii dhexmaray Barack Obama & Madaxda dalalka Afrika

Maalin ka hor waxaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka lagu soo gaba-gabeeyay shirkii ugu horreeyay oo ay yeeshaan madaxda Afrika iyo madaxweye Mareykan ah, kaasoo inta badan looga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka Mareykanka iyo Afrika u dhexeeya.

Sugida Amniga Somalia oo Malaayiin Dollar ah lagu bixineyo

Dowladda wadanka Mareykanka ayaa waxaa ay ku dhawaaqday in Dowladda Somalia ay dhinacyo badan ka taageereyso iyadoo ku bixineysa Dhaqaale Fara badan si wax looga qabto Arimo ay ka mid yihiin amaan darada Dalka ka jirta iyo Dhismaha Ciidamada Booliska Soomaaliya .

Banaanbax looga soo horjeedo M/weynaha Somalia oo ka dhacay Minnesota

Banaanbax looga soo horjeedo Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud  oo ku sugan Magaalada  Minnesota dalka Maraykanka ayaa ka dhacay  Hottel uu halkaa ka dagan yahay,

Dhageyso Warka iyo Barnaamijkii dhacdooyinkii toddobaadkii tagay ee Soomaaliya ee Radio Sagal

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijkii dhacdooyinkii toddobaadkii tagay ee Soomaaliya oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
Halkaan ka dhageyso

Al-Shabaab oo ka Warbixisay Qasaaraha Dhimasho ee dhankooda iyo Dhinaca AMISOM kasoo gaaay Dagaalkii Buulo Burde.

Xarakada Al-Shabaab ayaa faah faahin ka bixisay dagaal Culus oo xalay saqdii dhaxe ka dhacay Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan, dagaalkaa oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo wada jira iyo dagaalyahanada Al-Shabaab. 
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS