Dowladaha Mareykanka Iyo Soomaaliya Oo Kala Saxiixday Heshiis Lagu Taageerayo Booliiska

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Mareykanka ayaa kala saxiixday heshiis lagu taageerayo booliiska Soomaaliya.

Dowladaha Mareykanka Iyo Soomaaliya Oo Kala Saxiixday Heshiis Lagu Taageerayo Booliiska

Shantii bishan ayaa Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, James P. McAnulty iyo wasiirka Maaliyadda Soomali Xuseen Cabdi Xalane ayaa wada saxiixay heshiis ay dowladda Mareykanku ku taageereyso booliiska Soomaaliya.

Heshiiska ayaa lagu qeexay in dowlada Mareykanku ay bixineyso lacag dhan 1.9 milyan dolar, oo lagu horumarinayo shaqooyinka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya McAnulty iyo wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane oo iyagu saxiixay heshiiskaasi laba geesoodka ah,  oo loo qoondeeyay lacag dhan 1.9 milyan oo doolarka Mareykanka ah, ayaa dib loogu habeeynayaa qaybaha amniga Qaranka,  iyada oo lagu qarashgareenayo  mashaariicda horumarinta booliska.

Mareykanka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka wada shaqeeyandoona mashaariicda lagu kordhinayo awoodda ciidanka booliiska,  si ay uga hortagaan wax kastoo liddi ku ah amniga.

Xigasho:Radiomuqdisho

Section  Somali
Category   Local News
Tags  dowlada iyo Somalia usa

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS