Saraakiil lagu Tuhmay in ay ka danbeeyaan Dagaal ka dhacay Shabeelaha Hoose oo xabsi guri laga dhigay

Warka laga helaayo dhanka Xafiisyada Taliska Ciidamada Xooga DFS, ayaa sheegaya in Taliyaha Ciidanka uu amar ku bixiyay in xabsi guri uu noqdo Liibaan Madaxweyne oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Qalabka Sida DFS.

Saraakiil lagu Tuhmay in ay ka danbeeyaan Dagaal ka dhacay Shabeelaha Hoose oo xabsi guri laga dhigay

Wararku waxa ay sheegayaan in Liiban uu kamid yahay Saraakiisha Dowlada ee ka howlgala Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana la tilmaamayaa in xabsi gurigaasi uu ku muteystay Dacwado kala duwan oo kasoo gaartay Taliyaha Ciidamada Qalabka sida.

Amarka oo ah mid uu baxshay Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka General Daahir Aadan Cilmi, ayaa waxa uu hirgalay Laba maalin kahor, waxaana Sargaalka iyo Laba ruux oo isaga ku dhow lagu amray inaysan ka dhex bixi Karin Hooygooda, haddii ay dhacdo inay ka baxaan ay muteysanayaan Xabsi ka duwan kan iminka lagu xakumay.

Sargaalka iyo kuwa lala xiray ayaa waxaa la tilmaamayaa in xarigooda uu kadambeeyay kadib markii ay hub iyo qoryo isugu dhiibeen Maleeshiyaad halkaasi dagaal beeleed kawaday Deegaano hoos tagat Gobolka Shabeellaha Hoose.

Lama Oga xiliga Xabsi gurigaasi laga saari doono Sargaalka iyo dadkii lala xiray, waxaana jiro warar hoose oo sheegaya in Taliyaha uu ku amray in loosoo wareejiyo Magaalada Muqdisho.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  Indha Qarshe

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS