6 entries

Articles Published on August 7, 2014

Madaxweyne Xasan oo sheegay inay guulo kasoo hoyeen Shirkii Washington

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay guulo kasoo hoyeen shirkii Afrika iyo Mareykanka dhexmaray ee lagu qabtay Washington.

Saraakiil lagu Tuhmay in ay ka danbeeyaan Dagaal ka dhacay Shabeelaha Hoose oo xabsi guri laga dhigay

Warka laga helaayo dhanka Xafiisyada Taliska Ciidamada Xooga DFS, ayaa sheegaya in Taliyaha Ciidanka uu amar ku bixiyay in xabsi guri uu noqdo Liibaan Madaxweyne oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Qalabka Sida DFS.

Gabar Weriye ah oo xalay magaala-madaxda P/land ee Garoowe lagu xiray

Ciidamada booliska ee gobolka Nugaal ayaa xalay saqdii dhexe hoteel ay magaalada Garoowe ka deggen tahay kala baxay Weriye Faadumo Yuusuf Siciid (Taxadar) oo kamid ah weriyeyaasha ka howlgala magaalada Boosaaso.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Si Rasmi ah ula Wareegay Xafiiska

Munaasabad xafiiska uu kula wareegay Xeer illaaliyaha guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir ee dhaawaan madaxweyne Xasan Sheekh uu u magacaabay xilkan ayaa shalay lagu qabtay xarunta maxkamadda gobolka ee Muqdisho.

Dowladda Somalia oo Kenya ka Codsatay in loo soo gacan galiyo Xasan Xanafi{DHAGEYSO}

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka codsatay  Dowladda Kenya in  loo soo Gacan galiyo Sargaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu Magacaabo Xasan Xanafi Xaaji,kaas oo Ciidamada Sirdoonka Kenya ay garoonka Diyaaradaha Jooma Kenyata ku qabteen.

R.Wasaare Cabdiweli: Waxaan bogaadinayaa go’aanka Ximan iyo Xeeb ugu soo biirtay heshiishka Gobollada Dhexe”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta bogaadiyey go’aanka Maamulka Ximan iyo Xeeb ugu soo biiray Heshiishka Maamul-u-samaynta Gobollada Dhexe ee Soomaaliya oo ay garwadeen ka tahay Xukuumadda Federaalka, kaasi oo dhabaha u xaaraya in dadka degan gobolladaas ay dhistaan hal maamul Gobolleed oo ay ku midaysan yihiin.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS