Shirka Mareykanka iyo Afrika oo maanta Furmaya

Shirkan ay kukulmayaan madaxda qaarada Africa iyo madaxaweynaha mareykanka brack obama kana dhaca magaalada washighton ayaa waxaa looga hadli doonaa waxyaabo dhowr ah sida maal galinta qaarada Africa iyo amaanka qaarada Africa .

Shirka Mareykanka iyo Afrika oo maanta Furmaya

Arimaha inta ugu badan diirada lagu saari dooono waxaa kamid ah dhibaatada viruska Ebola uu kuhayo galbeedka qaaradan Africa iyo sidii loo hakin lahaa in cudurkaasi uu faafo.

Sidoo kale shirka waxaa diirada lagu saari doonaa cirib tirka dhibaatada xag jiriintu ay kuhayaan qaarada sida kooxaha kala ah ,BokoHaram iyo ururka Al-shabab ee Somalia kadagaalama kuwaa oo dagaal kala soo horjeeda dowlada Somalia oo garab kaheleesa ciidanka Africa kasocda ee magaca AMISOM kuhowlgalaya.

Ujeedka ugu weyn ee uu mareykanku uqabanayo shirkan ayey diblomaasiyiintu kumicneeyeen mareykanku inuu doonayo in  wadanka China uu kula loolamayo qaarada Africa siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan ,madama china haatan ay tahay mid aad xiriir wanaagsan ula leh wadamada qaarada Africa badankood islamarkaana shirkado china kasoo jeeda ay  maalgalin kawadaan dalalka qaarada Africa qaarkood.

Mareykanka ayaa qorsheenaya in shirkan qaarada Africa uu ugu yabooho lacag dhan $1 billion si dhaqaalaha qaarada Africa uu wax iskaga badalo.

Soomaaliya ayaa waxaa oga qeyb galaya Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  usa

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS