6 entries

Articles Published on August 2, 2014

Howlgallo ka Socda Degmooyin ka Tirsan Muqdisho iyo Waddooyin la Xiray

Howlgallo baaritaanno ah ayaa saakay ka socda xaafado ka tirsan degmooyinka Waaberi iyo Hodan ee Muqdisho, iyadoo waddooyinka Muqdisho qaarkood saakay la xiray, halkaasoo gaadiidka loo diiday inay maraan.

Ra’iisul Wasaaraha oo Puntland ugu Hambalyeeyay 16-guuradii Aasaaskooda

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed ayaa hanbalyo ku aaddan sannad-guuradii 16-aad ee kasoo wareegtay asaaskii Puntland u diray shacabka iyo mamulka deegaannadaas.

Naadiga Badbaado Qaran oo Cambaareeyay dilkii Xil. Sheekh Aadan Mad-deer

Naadiga Badbaado Qaran ayaa si kulul u cambaareeyay fal-dambiyeedkii ay kooxo ka tirsan Al-shabaab ku dileen xildhibaan, Sheekh Aadan Mad-deer oo ka tirsanaa xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Ahlusunna Waljamaaca oo ku Qayb-samay Heshiiskii Muqdisho

Mas’uuliyiinta maamulka Ahlusunna ayaa ku qaybsamay heshiiskii dhawaan lagu saxiixay Muqdisho ee lagu doonayo in lagu dhiso maamul KMG ah oo ay yeeshaan gobollada Mudug iyo Galguduud.

Ciidamada Itoobiya oo Garbahaarey ku Xiray Xubno ku eedeysan kicin Dagaal

Ciidamada dalka Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM aya la sheegay inay xabsiga dhigeen lix qof oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dagaal shalay ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlusunna gudaha degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Dhageyso Warka iyo Barnaamijkii dhacdooyinkii toddobaadkii tagay ee Soomaaliya ee Radio Sagal

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijkii dhacdooyinkii toddobaadkii tagay ee Soomaaliya oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
Halkaan ka dhageyso
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS