182 entries

Articles Published in August, 2014

Sawiro:Sannad-guuradii 16aad ee dhismaha Maamulka Puntland oo si weyn loo xusay

Dhammaan deegaanada Puntland waxaa maanta si weyn looga xusay munaasabadda 1-da Agoosto, oo ku beegan sannad guuradii 16-aad ee kasoo wareegtey xilligii dhidibada loo taagay maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland sanadkii 1998.

Turjubaan la sheegay inuu u shaqeynayay AMISOM oo Muqdisho lagu toogtay

Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa ku dilay Muqdisho nin turjubaan u ahaa ciidamada AMISOM oo magaciisa lagu soo gaabiyay C/naasir.

DR Dufle oo Shacabka Soomaaliyeed oha Digay Cudurka Cahaarshoowga

Cudurka cagaarshowga ama jooniska waa cudur dhibaato weyn ku haya bulshada caalamka ku dhaqan , sidaas darteed sanad kaste 28 July waxaa loo asteeyay maalinta cagaarshowga aduunka (World Hepatitis Day)  si bulshada caalamka loogu wacyi galiyo qatarta iyo ka hortaga cudurkaan helista ah oo sida amusan dadka u dila (Silent Killer).

Faah-faahin Dilka Xildhibaan Madeeroo manta kooxo hubeysan ay Muqdisho ku dileen

Warar Dheeraad ah ayaa waxaa ay ka soo baxaysaa Dil Salaadii Jimcaha maanta ka dib Degmada Xamar weyne Ee Gobolka Banaadir loogu Geestay Xildhibaan Sheikh Aadan Maxamed Madeer  oo ahaa Mudane Baarlamaanka ka tirsan sidoo kale ahaa Gudoomiyaha Gudiga Maaliyada Baarlamaanka Somalia .

War Maamulka Puntland kasoo yeeray oo la dhaliilay

Xalay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaaz ayaa Shirjiraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Garoowe waxaa uu ka soo horjeestay Heshiiskii ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya oo lagu Saxiixay in Maamul loo dhiso Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Howlgallo ka Socda Degmooyin ka Tirsan Muqdisho iyo Waddooyin la Xiray

Howlgallo baaritaanno ah ayaa saakay ka socda xaafado ka tirsan degmooyinka Waaberi iyo Hodan ee Muqdisho, iyadoo waddooyinka Muqdisho qaarkood saakay la xiray, halkaasoo gaadiidka loo diiday inay maraan.

Ra’iisul Wasaaraha oo Puntland ugu Hambalyeeyay 16-guuradii Aasaaskooda

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed ayaa hanbalyo ku aaddan sannad-guuradii 16-aad ee kasoo wareegtay asaaskii Puntland u diray shacabka iyo mamulka deegaannadaas.

Naadiga Badbaado Qaran oo Cambaareeyay dilkii Xil. Sheekh Aadan Mad-deer

Naadiga Badbaado Qaran ayaa si kulul u cambaareeyay fal-dambiyeedkii ay kooxo ka tirsan Al-shabaab ku dileen xildhibaan, Sheekh Aadan Mad-deer oo ka tirsanaa xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Ahlusunna Waljamaaca oo ku Qayb-samay Heshiiskii Muqdisho

Mas’uuliyiinta maamulka Ahlusunna ayaa ku qaybsamay heshiiskii dhawaan lagu saxiixay Muqdisho ee lagu doonayo in lagu dhiso maamul KMG ah oo ay yeeshaan gobollada Mudug iyo Galguduud.

Ciidamada Itoobiya oo Garbahaarey ku Xiray Xubno ku eedeysan kicin Dagaal

Ciidamada dalka Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM aya la sheegay inay xabsiga dhigeen lix qof oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dagaal shalay ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlusunna gudaha degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS