5 entries

Articles Published on July 31, 2014

Taliyaha Qaybta Gobolka Bay oo diiday xil ay Odayaasha dhaqanku u magacaabeen

Taliyaha booliiska gobolka Bay, Col. Mahad C/raxmaan Jaamac ayaa diiday magacaabiddii golahii guurtada ee Bay ay u magacaabeen inuu noqdo sii-hayaha xilka maamulka gobalka Bay, kaddib markii xilkii laga qaaday gudoomiyihii gobolka, Cabdi Aadan Hoosoow iyo kii degmada Baydhabo Xasan Macallin Biikole.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo baaritaan ka wada Bakaaraha

 Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom oo is kaashanaya ayaa saaka howlgal baaritaan ah ka bilaabay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Dhaqdhaqaaqa ganaciga ee suuqa ayaa guud ahaanba saaka xayiran, waxaana xiran inta badan jidadka muhiimka ah ee Suuqa Bakaaraha soo gala.

Heshiis Maamul loogu dhisayo Gobollada Dhexe oo lagu saxiixay Muqdisho (SAWIRRO)

Magaalada Muqdisho ayaa lagu saxiixay heshiis maamul KMG ah loogu dhisayo gobollada Gal-guduud iyo Mudug oo ka tirsan gobollada ku yaalla bartamaha Soomaaliya, iyadoo heshiiskaas saxiixiisa ay goobjoog ka ahaayeen xubno ka kala socday maamullada Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca, laakiin waxaa maqnaa xubnihii matalayay maamulka Ximin iyo Xeeb; inkastoo qoraalkii kasoo baxay madasha shirka uu ka muuqday saxiixa ruux heshiiska ku matalayay Ximan iyo Xeeb.

Ciidamada Jubba oo la wareegay Deegaano ku yaala Jubbada Hoose

Ciidamada Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa Saaka la wareegay Deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose oo Al-shabaab ay Maamulayeen ,waxaana ka mid ah Deegaanka Cabdi Dhoore oo 48 Km dhinaca waqooyi uga beegan Magaalada Kismaayo.

Deg Deg:- Madaxweynaha Somalia oo Goordhaw ka dagay Airborka Garbahaarey

Warar Hadda Soo dhacay ayaa waxaa ay Sheegayaan in Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Ee Somalia Mudane Xasan Sheikh Maxamuud  iyo wafdi uu Hogaaminayo ayaa waxaa uu gaaray Magaalada Garbahaarey Ee Gobolka Gedo halkaa oo ay ku soo dhaweeyeen Mas,uuliyiinta Gobolka Iyo Boqolaal Shacab ah oo Sacab ku soo dhaweeyay.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS