Saraakiisha AMISOM iyo maamulka Buula Barde oo wada qaatay kulan uu albaabada u xiran yahay

Warka naga soo gaarayo Degmada Buula Barde ee gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in kulan aan caadi aheyn ay wada qaateen Saraakiisha sar sare ee AMISOM iyo Maamulka Buula Barde ee G/Hiiraan.

Saraakiisha AMISOM iyo maamulka Buula Barde oo wada qaatay kulan uu albaabada u xiran yahay

Wararku waxa ay sheegayaan in kulanka uu ahaa mid looga arinsanaayay Ammaanka Degmadaasi, waxa uuna socday ku dhawaad Saacad iyo bar, iyadoona ay goob jog ka ahaayeen Odayaasha Degmada ugu caansan.

Gudoomiyaha Degmada Buula Barde ee gobolka Hiiraan Axmed Cali Wehliye oo kulankaasi warbaahinta uga warbixiyay ayaa waxa uu sheegay in Ujeedka kulanka uu ahaa xaqiijinta dhinaca Ammaanka Degmada iyo isla socodka Laamaha Ammaanka Degmada.

Gudoomiyaha waxa uu sharaxaad ka bixiyay wax yaabaha sida gaarka ah dhinacayada kulankaas ay diirada ugu saareen kulankooda iyo natiijadii kasoo baxday kulankaas.

Wuxuu sheegay inay ka wada hadleen qaabka ugu sahlan oo ay baaritaano ugu sameyn lahaayen guryaha, gaadiidka iyo goobaha lagu sheego inay degan yihiin Kooxda Alshabaab kuwooda dhuumaleysiga ku joogo Degmada.

Arritaani waxay timid xilli bishii barakeysneyd ee inaga idlaatay Ururka Al-Shabaab ay laba jibaareen weerarada ay ku qaadayeen deegaanada ay ka arimiso dowlada Soomaaliya, Maamulka Degmada Buulo burde ayaa horay wuxuu wacad ugu maray inuu dhexda u xiran doono sugidda amniga degmada uu ka arimiyo.

Dhanka kale, Saraakiisha AMISOM ee ku dhaqan Gobolka Hiiraan, ayaa waxa ay sidoo kale kulamo lagu xaqiijinaayo Ammaanka la qaadanayaan inta badan Maamulada Degmooyinka Gobolka Hiraan si ay u xaqiijiyaan iskulana meel dhigaan Ammaanka Degmada.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  Burde Buula

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS