7 entries

Articles Published on July 26, 2014

Milateriga Somaliland oo sheegay inay gacanta ku dhigeen Ilaaladii Cali Khaliif

Ciidanka Militariga Somaliland, ayaa sheegay in habeen hore ay gacantii ku soo dhigeen gaadhigii uu lahaa Cali Khaliif Galaydh iyo laba askari oo ilaalo u ahaa.

Wafdi ka Socda Puntland oo Madaxweyne Xasan Kala Hadlay Dilkii Saado Cali

Wafdi ka socda Puntland oo ka kooban siddeed wasiir oo ay wehlinayaan waxgarad isla deegaannadaas kasoo jeeda ayaa xalay kulan kula yeeshay xarunta madaxtooyada Soomaaliya, madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud.

Qaraxyo Siyaabo kala Duwan Xalay uga Dhacay Xaafado ka Tirsan Kismaayo

Qaraxyo kala duwan ayaa xalay siyaabo kala duwan uga dhacay xaafado ka tirsan magaalada Kismaayo, iyadoo qaraxyadani ahaayeen kuwo aad u xooggan islamarkaana laga maqlayay guud ahaan xaafadaha magaalada Kismaayo.

Booliiska Kenya oo dilay laba nin oo ay Sheegeen in ay Weerarro Fulin Rabeen

Booliiska Kenya ayaa sheegay inay toogasho ku dileen laba qof oo hubeysnaa, kuwasoo ay ku eedeeyeen inay doonayeen inay weerar ku qaadaan markab taagnaa dekedda magaalada Mombasa ee Kenya iyo xarun booliis oo Mombasa ku taalla.

Ciidan Booliis ah oo maalintii labaad gacanta ku hayo dhismaha Radio Jowhar

Iyadoo guddoomiyaha gobolka Shabeellada dhexe, Cabdi Jiinoow Calasoow uu amar ku bixiyay in Radio Jowhar uu kaga guurto 24-saac gudahood  dhismaha uu ku shaqeyso ayaa maanta xarunta idaacaddaas ciidammo ka tirsan booliiska degmada Jowhar, kuwasaoo hawada ka saaray idaacadda maalintii shalay aheed.

Dhageyso Warka iyo Barnaamijkii dhacdooyinkii toddobaadkii tagay ee Soomaaliya ee Radio Sagal

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijkii dhacdooyinkii toddobaadkii tagay ee Soomaaliya oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
Halkaan ka dhageyso

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaaliya oo Tagay Degmada Maxaas ee G/Hiiraan

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukumadda Soomaaliya C/laahi Goodax Barre ayaa gaaray Degmada Macaas ee Gobolka Hiiraan,waxaana ay Saaka ka Duuleen Magaalada Muqdisho.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS