Afar ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Hiiraan

Afar ka tirsaneyd maleeshiyada Al-Shabaab ayaa ku geeryootay iska horimaad xalay fiidkii ka dhacay deegaanka Sagaal-geed oo 9 Km u jira degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan.

Afar ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Hiiraan

Iska hor imaadka ayaa u dhaxeeyay maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab iyo ciidamo deegaanka ah oo la sheegay inay is abaabuleen.

Taliyaha ciidanka dowladda Soomaaliya ee degmada Buulo-burte, Cabdullaahi Barre ayaa Bar-kulan u sheegay in saddex ka tirsan meleeshiyada weerarka soo qaaday ee Al-Shabaab ay gacanta ku hayaan, hal qof oo ka tirsan dadka deegaankana uu ku dhaawacmay weerarka.

Wuxuu tilmaamay in meleeshiyada Al-Shabaab ay weerartay dadka deegaanka, kadib markii ay diideen lacag ay kooxda ku sheegtay Sako.

Xigasho:Bar-kulan

Section  Somali
Category   Local News
Tag  shabaab

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS