Ciidamada Dowlada oo maanta xir xiray Goobo ganacsi oo kuyaala Laamiga Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho

Ciidamo katirsan booliiska Dowlada Soomaaliya ayaa maanta xoog waxa ay ku xireen goobo badan oo ganacsi kuwaa oo ku yaala inta u dhaxeysa Isgoosyada Dabka iyo Sayidka ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Dowlada oo maanta xir xiray Goobo ganacsi oo kuyaala Laamiga Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho

Goobaha ganacsi ee maanta la xiray ayaa kahor inta aan ilbaabada loo laabin waxaa la weediinayay in ay heestaan Waqradaha Shaktiga ee bixiso Dowlada Hoose ,warqadan ayaana cadeeneysa waxa uu yahay ganacsigaaga iyo in aad bixisay Canshuurta.

Dhalinyaro sheegtay in ay kasocdaan Wasaarada Maaliyada oo ay lasocdeen Ciidamo booliiska Soomaaliya katirsan ayaa xir xiray goobo badan oo ganacsi kuwaa oon heesan warqadaha Shaktiga ee Dowlada Hoose ee Xamar Bixiso.

Waxaa hada xiran inta badan goobaha ganacsi ee ku teedsan inta u dhaxeysa Isgoosyada Dabka iyo Sayidka , waxaana ganacsatada Goobahaasi ganacsi iska leh lagu wargalinayay in ay tagaan Xarunta Degmada .

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhawaan shaaciyay in ay bilaabatay qaadista canshuuraha , waxaana Meelo badan oo caasimada katirsan hada si weyn looga dareemayaa olole la xariira qaadista canshuuraha iyadoona ganacsatdii ka biyo diida bixinta canshuuraha laga xirayo goobahooda ganacsi.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS