Bandow habeenkii ah oo lagu soo rogay Lamu kadib markii lagu diley boolis iyo dad rayid ah -

Bandow soconaya marka gabalku dhaco illaa iyo waaberiga ayay dowlada Kenya ku soo rogtay deegaanka Lamu kadib markii lagu diley 7 ruux oo afar ka mid ah ay ahaayeen Boolis.

Bandow habeenkii ah oo lagu soo rogay Lamu kadib markii lagu diley boolis iyo dad rayid ah -

Taliyaha ciidamada Booliska Kenya David Kimaiyo ayaa ku dhowaaqay bandowdan iyadoo toddobaadyadii la soo dhaafay uu sii xumaanayay ammaanka xeebaha dalka Kenya.

Dabley hubeysan ayaa xilli habeenimo ah rasaas ku furtay bas ka tegey Malindi kuna sii jeeday Lamu iyadoo halkaas ay ku dhinteen toddobo ruux oo afar ka mid ah ay ahaayeen ciidamo boolis ah oo saarnaa baskaas iyadoo ay ku dhaawacmeen siddeed ruux,

Sidoo kale booliska dalka Kenya ayaa ku amray gaadiidka isaga goosha Lamu iyo Garsen inaysan socon karin iyagoo aysan ilaalo ka ahayn ciidamada. Waxana lagu amray dhamman ciidamada ku maqan fasaxa in ay dib shaqadoodii ugu soo laabtaan.

Weerarkan lagu qaaday baskan ay lahayd shirkad lagu magacaabo Tahmeed ayaa ahaa kii ugu dambeeyay ee ka dhaca Lamy iyo deegaanka ku dhow ee Tana River muddo bil ah.

Weeraradan ayaa waxa ay dhacayaan iyadoo la kordhiyay ciidamada ammaanka ee halkaas la geeyay waxana uu dhowr jeer ku celceliyay madaxweyne Uhuru Kenyatta in dowladiisu ay wax walba gacanta ku hayaan.

Sida lagu daabacay wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya, wakaalado warar oo caalami ah ayaa sheegay in ururka Alshabaab uu sheegtay in uu ka dambeeyay weerarkan ugu dambeeyay sidii ay hore ugu sheegteen weeraradii ka dhacay Mpeketobi bishii hore iyo weerarkii ka dhacay Tana

Madaxweyne Kenyatta iyo saraakiishiisa sarsare ee ammaanka ayaa hase ahaate waxa ay ku eedeeyeen weeraradan siyaasiyiinta dalka Kenya.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  lamu

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS