Kooxo hubeysan oo xalay weerar ka geystay Deegaanada xeebta dalka Kenya

Inta la ogyahay shan qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen ciidamada booliiska Kenya ayaa ku dhintay, siddeed qofna way ku dhaawacmeen weerar ay kooxo hubeysan ay xalay ku qaadeen bas gaari marayay degaanka Witu oo ka tirsan deegaanka Lamu ee dalka Kenya.

Kooxo hubeysan oo xalay weerar ka geystay Deegaanada xeebta dalka Kenya

Sideedda ruux ee dhaawcmay ayaa waxaa ku jira afar askari oo ka tirsan ciidanka booliiska Kenya, kuwasoo gurmad ahaan u aaday goob la sheegay in kooxaha hubeysan ay ku haysteen gaariga rakaabka siday oo ku socday magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Taliyaha booliiska Jasiiradda Lamu, Miiri Njenga ayaa sheegay in gaariga ay is-taajiyeen kooxo hubeysan, kuwaasoo isku dayay inay afduubaan dadkii gaariga la socday, balse ay ciidamada booliisku weerareen goobtaas markii ay ka war-heleen.

“Ciidnka booliiska iyo kooxihii hubeysnaa waxaa dhexmaray iska-horimaad kooban, waxaana dhankeenna ka dhintay laba askari, afar kalena dhaawac ayaa soo gaaray, kooxihii hubeysnaana waxaa u suuro-gashay inay markiiba baxsadaan,” ayuu yiri Njenga oo warbaahinta la hadlayay saakay oo Sabti ah.

Mr, Njenga ayaa hadalkiisa ku daray in xoogagga hubeysan oo aanu sheegi karrin ay u baxsadeen deegaanno howd ah oo ku yaalla xeebta dalka Kenya ayna wadaan baaritaanno ay ku doonayaan inay kusoo helaan.

Dhanka kale, wararka ayaa waxay sheegayaan in qaar ka mid ah dadkii la socday gaariga ay baxsadeen markii uu dagaalku billowday, kuwaasoo ilaa hadda la la’yahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarkaas, balse Al-shabaab ayaa weerarro is-xigay ka geysatay deegaannadaas, kuwaasoo ay ku dhinteen in ku dhow 100-qof oo isugu jira shacab iyo ciidammo.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  kenya

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS