Dagaallo khasaare badan geystay oo ka dhacay degmada Bardaale ee Gobolka Bay

Ugu yaraan 15-qof ayaa ku dhintay, 21-qof oo kalena way ku dhaawacmeen dagaal culus oo duleedka degmada Bardaale ee gobolka Bay ku dhex-maray dad shacab ah oo gacan ka helaya ciidamada dowladda iyo xoogagga Al-shabaab.

Dagaallo khasaare badan geystay oo ka dhacay degmada Bardaale ee Gobolka Bay

Dagaalkan oo billowday gellinkii dambe ee shalay ayaa socday illaa xalay fiidkii iyadoo guddomiyaha degmada Bardaale oo la hadlay VOA-da uu sheegay in dagaalka uu ka dhashay markii dadka deegaanka ay u adkeysan waayeen cadaadiska iyo dhac ay Al-shabaab ku hayeen.

“Wuxuu dagaalkani ka dhacay deegaanka Toos-weyne oo 25-km Bardaale u jirta, waxaana dagaalkan gacan ka geystay ciidamada dowladda Soomaaliya, dagaalkuna wuxuu socday muddo saacado ah,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Bardaale, Maxamed Isaaq Xasan (Cara-case).

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in xoogagga Al-shabaab ay kasoo duuleen deegaanno ay ka mid yihiin; Raama-caddeey iyo Xabaal-barbaar oo ay saldhigyo ku leeyihiin, markaas kaddibna ay ciidmada dowladdu gurmad ahaan u gaareen deegaanka uu dagaalku ka dhacay iyagoo shacabka gacan siinayay, waana la adkaaday buu yiri Al-shabaab.

“Dhibaatooyinka ay Al-shabaab ku hayaan shacabka waxaa ka mid ah inay baad ka qaadan. Balse dhawaan ayay billaabeen inay canshuuraan dadka iyo xoolaha ay dhaqanayaan, taasoo keentay in shacabku ay kacaan,” ayuu ku daray hadalkiisa.

Cara-case wuxuu hadalkiisa raaciyay in qoyska 10 qof ka kooban laga qaado 400,000 oo kun oo shilnka Soomaali ah, beertana laga qaadayo afar milyan oo shillin, waxaana taas ay dhawaan ku dareen inay ceelasha canshuuraan.

“Annaga afar askari ayaa naga dhimatay, afar kalena way naga dhawacmeen, balse Al-shabaab dad badan ayaa laga dilay, waxaana innagu aragnay siddeed maydadkooda ah, 18-qof oo kalena way geeyeen goobihii ay kasoo duuleen,” ayuu yiri mar uu sharraxayay dhibaatadii dagaalka uu dhaliyay.

Mar la weydiiyay su’aal ahayd in dagaalkan uu qayb ka yahay kuwo ay iyagu abaabuleen iyo inuu yahay mid ay shacabku go’aan ku gaareen, ayuu xusay gudoomiyaha oo sheegay in shacabka Soomaaliyeed uu ugu baaqayo inay la dagaalamaan Al-shabaab.

Illaa hadda ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca Al-shabaab oo ku saabsan dagaalkan shalay gellinkii dambe illaa xalay ka socday deegaanka Toos-weyne oo ka tirsan degmada Bardaale ee gobolka Bay.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  bardaale

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS