6 entries

Articles Published on July 19, 2014

Dagaallo khasaare badan geystay oo ka dhacay degmada Bardaale ee Gobolka Bay

Ugu yaraan 15-qof ayaa ku dhintay, 21-qof oo kalena way ku dhaawacmeen dagaal culus oo duleedka degmada Bardaale ee gobolka Bay ku dhex-maray dad shacab ah oo gacan ka helaya ciidamada dowladda iyo xoogagga Al-shabaab.

Kooxo hubeysan oo xalay weerar ka geystay Deegaanada xeebta dalka Kenya

Inta la ogyahay shan qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen ciidamada booliiska Kenya ayaa ku dhintay, siddeed qofna way ku dhaawacmeen weerar ay kooxo hubeysan ay xalay ku qaadeen bas gaari marayay degaanka Witu oo ka tirsan deegaanka Lamu ee dalka Kenya.

COL. TUUR-YARE: Waa in la Meel-mariyo sharciga la-dagaalanka Argagaxisada

Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa dalbatay in la ansixiyo sharciga la-dagaalanka argagaxisada ee horyaalla baarlamaanka Soomaaliya, si ay wax uga qabtaan falalka ammaan-darro ee dhacaya.

100 ruux oo ka mid ahaa dadkii ku dhintay Malaysia Airlines oo ahaa shaqaale cudurka AIDSka

Illaa boqol ruux oo ka mid ahaa dadkii saarnaa dayuuradii Malaysia Airlines oo ku burburtay dalka Ukraine ayaa ahaa dad ku sii jeeday dalka Australia halkaa oo ay ugaga qeybgali lahaayeen kulan caalami ah oo loogaga hadlayo cudurka AIDSka.

Dhageyso Warka iyo Barnaamijkii dhacdooyinkii toddobaadkii tagay ee Soomaaliya ee Radio Sagal

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijkii dhacdooyinkii toddobaadkii tagay ee Soomaaliya oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
Halkaan ka dhageyso

Waxqabadka Dowladda ee Usbuucii la soo dhaafay

Mogadishu, 19 July 2014 – Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheikh Ali Dhuhulow oo maanta Muqdisho kula hadlayey warbaahinta ayaa siiyey warbixinta horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay. Wasiirka ayaa ka hadlayey arrimo ay ka mid yihiin, Qorshaha Maamul Wanaagga Dowladda, Wadatashiga Dib u eegista Dastuurka, Qalab beero oo la gaarsiiyey beeraleyda Afgoye, Guddi farsamo oo loo sameeyey dhismaha Maamul Goboleedka Kofur Galbeed, Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhinaya Mareykanka oo waraaqihii aqoonsiga laga guddoomay, Dowladda oo 500,000 oo dollar ku bilowday gar-gaarka bani’aadanimo, Sagootin loo sameeyey Safiirka Turkiga, Heshiis Wasaaradda Maaliyadda iyo Sanduuqa Kuwait iyo baaqa bisha barakeysan ee Ramadan.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS