7 entries

Articles Published on July 11, 2014

Golaha Wasiirrada oo xalay kulan la qaatay laamaha ammaanka dalka iyo Gudiga Difaaca ee Baarlamaanka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyayaasha laamaha Ammaanka, Maamulka gobolka Banaadir, Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka, ayaa xalay magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan looga hadlayay ammaanka dalka, waxaana kulanka shir guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.

R.W Cabdiweli oo kulan isagu yeeray guddiyada Amniga iyo Siyaasadda ee golaha Wasiirrada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa kulan deg-deg ah isugu yeeray guddiyada Amniga iyo Siyaasadda ee golaha Wasiirrada, waxaana ay ka hadleen xaaladihii u dambeyay ee dalka iyo go’aamadii uu qaatay Ra’iisul Wasaaruhu ee uu ku magacaabay Wasiirka amniga Qaranka iyo taliyayaasha Ciidamadda Booliska iyo Nabad-sugida.

Golaha Wasiiradda ayaa isku raacay in Wasaaradda Arrimaha Dibadu go’aan ka gaarto cida qaadanaysa Basaboorka diblomaasiga.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa maanta shir guddoomiyey kulankii caadiga ah ee Golaha Wasiirada, waxaana looga hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda dalka, iyadoo goluhu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen magacaabista Wasiirka amniga Qaranka iyo Taliyayaasha Ciidamadda Booliska iyo Nabad-sugidda oo dhawaan uu magacaabay Ra’iisul Wasaaruhu.

Ra'iisul Wasaarihii hore ee Somalia oo loo Magacaabay Dajiraha Mareykanka

Dowladda Somalia ayaa Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke u magacowday inuu noqdo danjiraha Somalia ee dalka Mareykanka, iyadoo Mareykanku uu soo dhaweeyay magacaabiddiisa.

Midawga Yurub oo $3.8-Milyan ku bixiyay Badbaadinta Carruurta Soomaaliya

Ururka Midowga Yurub, waaxdiisa bani’aadamnimada iyo dhowridda shacabka ee ECHO ayaa ku bixisay lacag deeq ah oo dhan $3.8 milyan si looga hortago heerka dhimashada carruurta Soomaaliyeed ee ay sababaan nafaqo-darrida iyo shubanka.

Ciidanka dowlada oo howlgal khasaare dhaliyay ka sameeyay Suuqa Xoolaha

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay ka sameeyay xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa howlgal keentay inuu hal qof geeriyoodo mid kalena dhaawacmo, iyadoo howlgalladaas lagu qab-qabtay tiro dad ah.

Qareennada Kenyatta oo Weydiistay ICC in ay Joojiso Dacwooyinka Kenyatta

Qareennada madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa mar kale ka dalbaday maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC inay joojiso dacwadda la xiriirta bani’aadamnimada ee Kenyatta loo haysto.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS