XAAMUD: Dagaallada Al-shabaab waa kuwo Reer Muqdisho lagu Barakicinayo

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ahna ku simaha xilka wasiirka amniga Qaranka, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in dagaalka ay Al-shabaab ka waddo Muqdisho uu yahay mid lagu doonayo in shacabka looga barakiciyo caasimadda.

XAAMUD: Dagaallada Al-shabaab waa kuwo Reer Muqdisho lagu Barakicinayo

Maxamed Sheekh oo ka hadlayay kulan looga tashanayay ammaanka Muqdisho oo shalay ka dhacay dugsiga booliiska Muqdisho ayaa sheegay in dowladdu oo keliya aysan waxba qaban karin haddii aan gacan laga siinayn dagaalka.

“Waxaan doonayaa inaan u sheego shacabka Muqdisho iyo mas’uuliyiinta ha’yadaha kala duwan ee amniga dowladda in dagaalka socda uu yahay mid lagu doonayo in Muqdisho na-looga barakiciyo. Sidaas awgeed waxaan codsanayaa in dhinac qura looga soo wada-jeesto dagaalka,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in qorshaha Al-shabaab ay ku doonayso inay qal-qal ku geliso ammaanka uu yahay mid khatartiisa leh, balse haddii dhinac looga soo wada-jeesto la fashilin karo.

“Laamaha ammaanka waxaan ku boorrinayaa inay qaadaan tallaabooyin ammaanka lagu adkeynayo loogana hortagayo weerarrada qorsheysan ee Al-shabaab waddo. Runtii waxaan sheegi lahaa haddii aanan haysan taageerada shacabka innaga oo keliya waxba ma qaban karno,” ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka gaashaandhigga ahna sii hayaha xilka wasaaradda amniga Qaranka.

Hadalka wasiirka ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli Al-shabaab ay sheegtay inay sii wadi doonto weerarrada ay la beegsanayso xarumaha dowladda sida dhismaha baarlmaaanka oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  xaamud

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS