200 entries

Articles Published in July, 2014

Daawo sawiradda:MADAXWEYNAHA: “Geed dheer iyo geed gaaban ayaan u fuleynaa adkeynta Minimada”

Madaxweynaha Somalia ayaa xalay khudbad ka jeediyey xaflad lagu maamuusayey 54-guuradii kasoo wareegtay markii gobollada Koonfureed ay ka qaateen xorriyadooda gumeystihii Talyaaniga iyo midowgii Koonfureed iyo Waqooyi dalka, taasoo ku beegnayd 01-dii Luuliyo, 1960-kii.

Qaramada Midoobay & AMISOM oo ka hadlay Maalinta Xorriyadda Soomaaliya

Qaramada Midoobay iyo AMISOM ayaa si kala gooni-gooni ah uga hadlay maalinta xorriyadda Soomaaliya oo ku beegan maanta oo ah 01-da Luuliyo, iyagoo hambalyo u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Daawo sawiradda:Wasiir ku-xigeenka Arimaha Dibada Talyaaniga oo booqasho ku yimi Muqdisho.

Wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha dibadda ee dalka Talyaaniga, Lapo Pistelli ayaa booqasho maalin ah ku yimid magaalada Muqdisho Isniintii shalay ahayd, isagoo kulammo kala duwan la qaatay madaxda dowladda Soomaaliya.

R.W Cabdiwali “Geesiyaashii u huray naftooda in xoriyadda la helo, waxaa ka go’neyd midnimo iyo wadajirka Soomaaliya”

Muqdisho, 01, Luulyo, 2014.. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed, ayaa hambalyo ku aadan sanad guuradii 54aad ee ka soo wareegtay 1-dii Luuliyo 1960 u diraya dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dibedda iyo gudaha dalka.

Dowladda Mareykanka oo ugu hambalyeysay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed Maalinta Xoriyada Soomaaliya:-War-Saxaafadeed

Ku Simaha Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qabailsan Arrimaha Soomaaliya Brian H. Phipps, ayaa ugu hambalyeeyay Soomaaliya oo u dabaal-dageyso maalinta qaranimada ee 1-da July. “Aniga oo ka wakiil ka ah Madaxweyne Barack Obama, Xoghayaha Arrimaha Dibedda John Kerry iyo shacabka Maraykanka, waxaan hambalyo ku aadan xuska sanad guurada 54-aad ee maalinta xoriyada Soomaaliya u dirayaa dowlada iyo shacabka Soomaaliya”, ayuu yiri Phipps.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arimaha Dastuurka "Ansaxinta Sharciga Golaha Adeegga Garsoorka waa talaabo weyn oo loo qaaday dhinaca dib u habaynta Cadaaladda Soomaaliya"

Mogadishu, 01 Luulyo 2014 – Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arimaha Dastuurka Mudane Faarax Sheikh Abdulqaadir, ayaa si weyn u soo dhoweeyey ansixinta uu Baarlamaanka Federaalka Soomaalia uu maanta ansixiyey sharciga Golaha Adeegga Garsoorka. Wasiir Faarax wuxu ku tilmaamay ansixinta sharciga Golaha Adeegga Garsoorka talaabo weyn oo loo qaaday dhinaca Dib u habynta Cadaaladda dalka.

Xildhibaanno ku baaqay in dib u habeen lagu sameeyo Garsoorka Dalka

Isniintii lasoo dhaafay Baarlamanka Somaaliya ayaa meelmariyay dhismaha Gudiga adeega garsoorka waxaana durba soo baxaya cabsi laga qabo in Gudigaasi dhismihiisa la doonayo in lagu baabi’iyo Awooda Garsoorka dalka sida uu aamisan yahay Xildhibaan C/llaahi Sheikh ismaaciil oo xubin ka ah Baaralamanka.

Al-shabaab oo Ganacsato ku Dilay Gobolka Galgaduud

Wararka ka imaanaya  Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Al-shabaab Gaari Qaad siday halkaa ay ku  Gubeen islamarkaana ay Dileen Labo ka mid ah Dadkii Gaariga Saarnaa.  

Meydka wiil Falastiini ah oo laga helay bariga magaalada Qudus iyo isku dhacyo ka dhashay

Ciidamada Booliska Isra’el ayaa helay meydka wiil Falastiin ah oo xalay laga afduubtay magaalada Qudus ee dhulka barakeysan ee Israel ay xooga ku heysato.

Daawo Sawiradda:Diyaarad Qaad u soo sidday Muqdisho oo ku burburtay Magaalada Nairobi

Diyaarad Qaad u soo siday Soomaaliya ayaa saakay ku burburtay meel ku dhow garoonka diyaaradaha Jommo Kenyatta ee magaalada Niarobi, iyadoo ay ku dhinteen afar qof oo shaqaalihii diyaaradda ahaa.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS