War Deg Deg Ah Qarax ay dad ku dhinteen oo Goordhaw ka dhacay Suuq kuyaala Magaalada Muqdisho

Wararka aan goordhaw ka helnay Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Suuq kuyaala Degmadaasi uu ka dhacay Qarax xoogan oo sababay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.

War Deg Deg Ah Qarax ay dad ku dhinteen oo Goordhaw ka dhacay Suuq kuyaala Magaalada Muqdisho

Goob joogayaal ku sugan halka uu qaraxu ka dhacay ayaa ku waramay in qaraxa uu ahaa miino uuna ka dhacay Xafiiska Waaxda Canshuuraadka ee Degmada Kaaraan oo ku dhax yaala Suuqa Degmada Karaaan.

Inta la xaqiijiyay ilaa labo qof oo la tilmaamay in ay katirsanaayeen Shaqaalaha Canshuur qaadista ayaa ku dhintay qaraxaasi ,waxaa sidoo kale dhaawacyo ay soo gaareen dad u u badan rayid oo gaaraya ilaa 7-qof.

Ma jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Degmada Karaaan iyo Saraakiisha Laamaha amaanka oo ku aadan qaraxa goordhaw ka dhacay Degmadaasi , waxaa sidoo kale jirin cid sheegatay Masuuliyada Qaraxaasi.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Section  Somali
Category   Local News
Tags  muqdisho qarax

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS