6 entries

Articles Published on June 29, 2014

Qaramada Midoobay oo sheegtay inay Kenya ka caawinayso la dagaalanka Argagaxisada

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay ka caawiyaan Kenya iyo dalalka kale ee Afrika dagaalka lagula jiro argagaxisada oo weerarro taxane ah oo khasaare badan geystay ku qaaday Kenya.

KAY: “Nidaamka Federaalka wuu Anfacayaa Somalia Haddii laga Faa’iideysto”

Danjire Nicholas Kay oo Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay hoggaamiyaasha Soomaalida inay ka faa’ideystaan hannaanka federaalka ee la doonayo in laga hirgeliyo Soomaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeyey dhalashada bisha Ramadaan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dadka muslimiinta ah gaar ahaan umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeyey dhalashada bisha barakeysan ee Ramadan.

Al-Shabaab oo mar kale ku hanjabay inay kordhin doonaan weerarada inta lagu guda jiro bisha Ramadaan

Wakiilka Al-Shabaab u qaabilsan Gobolka Banaadir Sheekh Cali Maxamed Xuseen ayaa sheegay in howl galada Muqdisho ay xoojin doonaan inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

Gobolada dalka Soomaaliya oo markii u horeysay si aan khilaaf ku jirin si isku mid looga soomay

Iyadoo maanta ay ku beegan tahay maalinta koowaad ee bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa markii u horeysay waxaa maanta si isku mid ah looga soomay gobolada dalka Soomaaliya, oo sanadihii u dambeeyay maalmo la kala soomi jiray.

WARKA AXADNIMO EE WARBAAHINTA SAGAL

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
HALKAAN KA DHAGEYSO
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS