7 entries

Articles Published on June 26, 2014

Madaxweyne Xasan oo Hambalyo u diray Reer Hargeysa 26-ka Juun Awgeed

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa xalay ka jeediyay khudbad munaasabad lagu xusayay 54-sano guuradii kasoo wareegtay 26-ka Juun oo ahayd markii ugu horreysay oo calan Soomaaliyeed laga taago dalka Soomaaliya oo xor ah, iyadoo munaasabadda ay ka qaybgaleen dad aad u fara badan.

Danjiraha Falastiin ee dalka Masar oo ka Mahadceliyay Taageerada Somalia

Safiirka Falastiin ee Masar ahna denjiraha joogtada ah ee dalkaas u fadhiya Jaamacadda Carabta, Jamaal Al-Shawbaki ayaa safaaradda Somalia ee magaalada Qaahira kula kulmay safiirka Soomaaliya ee Masar, Cabdalle Xasan Maxamuud.

Dagaal Saakay ka dhacay Gudaha Degmada Buula-burte ee Gobolka Hiiraan

Wararka naga soo gaaraya degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus uu saakay ka dhacay agagaarka saldhiga booliiska degmada, kadib markii dabley soo xirratay dareyska militariga weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Daawo Sawirada sida Xalay Muqdisho looga xusay Munaasabada 26-ka Juun iyo Madaxweynaha oo Khudbad xasaasi ah ka jeediyay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayey 54 guuradii ka soo wareegatay maalintii ay xurroobeen gobollada waqooyi isl-markaana ciida Soomaaliyeed laga taago calanakeenna Soomaaliya.

Maxamed Sheekh Cusmaan'“Qof Walba Oo Soomaali Ah Waxaa Waajib Ku Ah Difaacidda Gobonimadeenna “

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Munaasabadda 26ka June oo ku beegan caawa oo kale 54sano kadib markii ay gobollada Waqooyi ee Dalkeenna ka xoroobeen gumeystihii Ingiriiska.

AMISOM oo Digniin Culus ka bixisay Dhibaatooyin ka dhasha aqoonsiga dowladu siisay maamulka Koonfur Galbeed

Afhayeenka ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xumad ayaa sheegay iney walaac badan ka qabaan falal amaan daro oo ka dhasha aqoonsiga dowladu siisay maamulka sadexda gobol iyo ismaan dhaafka siyaasadeed ee arintaas weli ka taagan.

Faah faahino kaasoo baxaya Weerar Al-Shabaab saakay ku qaadeen Hotel ay ku sugnaayeen Saraakiil AMISOM ah

Faah Faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weerar rag hubeesan oo katirsan Dagaalyahanada Al-Shabaab saakay ku qaadeen Hotel ay dagnaayeen Saraakiil katirsan AMISOM oo kuyaala Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS