Roobab Saameyn ku yeeshay Barakacayaasha oo illaa xalay ka da’ayay Muqdisho

Illaa xalay fiidkii waxaa magaalada Muqdisho ka da’ayay roobab xooggan, kuwaasoo saameyn ku yeeshay barakacayaasha ku nool Muqdisho iyo daafaheeda, kuwaasoo markii horeba ay xaaladoodu aad u liidatay.

Roobab Saameyn ku yeeshay Barakacayaasha oo illaa xalay ka da’ayay Muqdisho

Roobabkan oo billow u ah xilliga xagaaga ayaa waxay ka da’ayaan degooyinka gobolka Banaadir iyo gobollada ku dhow-dhow, waxaana waddooyinka Muqdisho lagu arkayaa biyo ay dhigeen.

Barakayaal ku nool duleedka Muqdisho ayuu roobkani saameynta ugu xooggan ku yeeshay, isagoo ka burburiyay guriyihii ay ku noolaayeen oo markoodii horeba ka sameysnaa baco iyo baakado la isku xir-xiray.

“Guryihii ayay roobabku naga burburiyeen, maanta dibadda ayaa joognaa, mana ogin waxa dhici doona, waayo caruurtii oo dhan ayaa dhaxanta ku haynaa,” ayay tiri mid ka mid ah haweenka ku nool kaamamka ku yaalla waddada Muqdisho uga baxda dhinaca Koonfureed ee aadda degmada Afgooye.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay inay dadaal u galayso sidii ay u dajin lahayd barakacayaasha goobo nolol ahaan aad u wanaagsan, balse waxay barakacayaashu weli ka cabaanayaan inaysan jirin wax loo qabtay.

Muqdsiho ayaa waxay maanta u tahay maalin ay inta badan shaqooyinku xiran yihiin sababo la xiriira roobabkan iyo isku socodka gaadiidka iyo dadka oo aad ugu yar waddooyinka caasimadda.

Gaadiidleyda qaarkood ayaa sheegay in roobabku ay biyo badan dhigeen jidadka magaalada Muqdisho qaarkood sidaas awgeedna aysan socon karin, inkastoo ay xuseen in waddooyinkii la dayactiray ay aad u wanaagsan yihiin xagga socodka.

“Waddooyinka aan la dayactirin ayay dhibaatadu ka jirtaa, balse kuwii la dayac-tiray waa kuwo caadi ah, haddii ay biyo fadhiyaan iyo haddii kale waa isku mid,” ayuu sheegay mid ka mid ah wadayaasha gaadiidka dadweynaha Muqdisho.

Dhanka kale, waxaan iyaguna shaqeynayn inta badan mooyooyin saddex lugood leh oo aad ugu soo batay Muqdisho, kuwaasoo dadweynuhu ay qiimo aad u jaban ugu kala raacaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  Muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS