Ciidamo Cadaan ah oo wata gawaarida gaashaaman oo lagu arko Wadooyinka Magaalada Muqdisho

Laamiga Maka Al-Mukarama oo kamid ah Laamiyada ugu mashquulka badan Magalaada Muqdiho ayaa dhoor mar waxaa lagu arkay gawaari gaashaan ay wataan Ciidamo cadaan ah oo la sheegay in ay kasoo jeedaan Dalka Talyaaniga.

Ciidamo Cadaan ah oo wata gawaarida gaashaaman oo lagu arko Wadooyinka Magaalada Muqdisho

Ciidamada Reer Galbeedka ah ee kusugan Magaalada Muqdodho ayaa inta badan marka ay marayaan Wadooyinka Magaalada Muqdisho waxa ay adeegsan jireen gawaarida qufulan ee Ciidamada AMISOM hasa ahaatee waxaa markan la arkay iyaga oo wata gawaari gaashaan oo u gaar ah.

Mid kamid ah dadka dagan hareeraha Wadadaas ayaa saakay indhiiisa saaray ilaa labo gaari oo nuuca Ciidanka ah kana badalan kuwa AMISOM ay wataan, waxaana gawaaridaasi adeegsanayay Ciidamo Talyaani ah kuwaa ay lasocdeen qaar kamid ah Gawaarida Ciidamada AMISOM.

Gaaarida gaashaaman ee wataan Ciidamada Talyaaniga waxaa ku buufsan calanka dalkaasi , waxaana gaariga gaanari ka ah oo muuqaakiisa caadi loo arkayaa Askari talyaani ah halka gudaha gawaaridaasna aya ku jiraan askar kale oo hubeesan.

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xerada Xalane ayaa saldhig u ah Ciidamo kasocda Wadamo kala duwan oo Reer Galbeed ah kuwaa oo Dowlada Soomaaliya ka gacan siiya tababarida Ciidamada Dowlada iyo howlaha Sirdoonka.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdosho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS