AMISOM oo Hay’adaha Amniga Dowladda Somalia ku dhaliisay Wax-qab la’aan

Madaxa xafiiska siyaasadda AMISOM, Xaaji Ciise oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in hay’adaha amniga dowladda ay ku guul-darreysteen inay wax ka qabtaan ammaanka Muqdisho iyo dilalka ay ka geysanayaan kooxaha hubeysan.

AMISOM oo Hay’adaha Amniga Dowladda Somalia ku dhaliisay Wax-qab la’aan

Xaaji Ciise ayaa sheegay in AMISOM ay walaac xooggan ku hayso dhibaatooyinka loo geysanayo dadka Muqdisho ku nool oo sii kordhaya iyo wax-qabad la’aanta hay’adaha kala duwan ee dowladda, taasoo sababi karta inay dhibaatooyinku sii kordhaan.

“Waxaa walaac nagu haya wax-qabad la’aanta hay’adaha ammaanka dowladda, waayo waxaan la soconnaa in dad badan Muqdisho lagu dilay, kuwaasoo uu ka mid yahay wariyihii shalay lagu dilay qaraxa, mana jirto cid loosoo qabtay, taas waxay ku tusinaysaa awood-yarida hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri Xaaji Ciise.

Sidoo kale, sarkaalkan AMISOM ka tirsan ayaa sheegay in xilliga la joogo waqtigii ay eegi lahaa meelaha ay hay’adaha dowladdu ka dabacsan yihiin, markaasna ay isku dayi doonaan inay daboolaan baahidaas.

“Xilligan waa xilligii ay AMISOM indho-indheyn lahayd hay’adaha dowladda ee aan sida wanaagsan u shaqeynayn, waxaana hay’addii aan ogaanno inay howlaheedu yihiin kuwo uu gaabis ku jiro aan isku dayi doonnaa inaan daboolno baahiyaheeda si wax looga qabto amniga dalka iyo kan caasimadda,” ayuu hadalkiisa ku daray madaxa xafiiska siyaasadda ee AMISOM.

Hay’adaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa lagu dhaliilaa inaysan awood u lahayn inay wax ka qabtaan ammaanka, iyadoo ay Muqdisho ka dhacaan qaraxyo abaabulan iyo weerarro toos ah oo ay Al-shabaab la beegsato xarumaha dowaldda ee Muqdisho.

Al-shabaab ayaa horay u sheegtay inaysan jirin cid ka hor-istaagi karta howlgallada ay doonayaan inay Muqdisho ka geystaan, taasoo muujinaysa in hay’adaha amniga dowladda aysan ahayn kuwo awood u leh inay ka hortagaan weerarrada kala duwan ee ay Al-shabaab geysanayso.

Waa markii ugu horreysay oo AMISOM ay dhaliil u soo jeediso hay’adaha amniga ku shaqada leh ee dowladda Soomaaliya, iyadoo aan la ogeyn waxay ka bedeli doonto tani fikirka dowladda ee ku aaddan wax ka qabashada ammaanka Muqdisho.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  AMISOM

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS