Laamaha amaanka oo soo saaray digniin 10 Al Shabaab is qarxi raba oo Muqdisho soo galay

Afhayeenka laamaha Amniga Somalia Mudane Qaasim Axmed Rooble oo Galabta Saxaafada la hadlay ayaa waxaa uu Bixiyay Digniin ah in Magaalada Muqdisho ay soo Galeen Gawaari is Qarxi Rabta oo Al Shabaab ay soo Direen kuwaas oo uu soo Bandhigay Xogtooda oo dhamees tiran.

Laamaha amaanka oo soo saaray digniin 10 Al Shabaab is qarxi raba oo Muqdisho soo galay

Gaariga koowaad ayuu ku sheegay in uu yahay Minibas oo Taargadiisu Tahay AB 945 Ninka wada gaarigaas Magaciisa ayuu Afhayeenku ku sheegay  Cabdi Ibraahim Raxmaan Axmed   isagoo sii Raaciyay Taleefankiisa gacanta oo uu ku sheegay 061303154.

Gaariga labaad  ayuu ku sheegay Tayota Noha ah Taargadiisuna tahay AB 786 Gaariga Midakiisa ayuu ku sheegay in uu qalin yahay  Ninka wada ayuu ku sheegay Maxamed Nuur Muunye oo Somali ah isagoo Taleefankiisa Gacantana ku sheegay 0615597410

Sidoo kale waxaa uu sheegay Afhayeenku in uu jiro Qof kale oo is Qarxi raba  oo uu Magaciisa ku sheegay Cabdi Risaaq Yuusuf Aadan  Telkiisa Gacanta ayuu sheegay in uu sidaan Yahay 0615088121sidoo kale 7 Ruux oo kale ayuu sheegay in ay isi soo Miidaamiyeen ayna doonayaan in ay is qarxinayaan arintaas ayuu aad uga digay Umada in ay ka Fogadaan Goobaha la iskugu yimaadana la is ilaaliyo.

Wax lala yaabo waxaa ah in Sirta ku saabsan falalkaan laamaha amaanku Bulshada u shaaciyaan Dad badan ayaa Aaminsan in Ujeedku yahay  baaqay in ay iska soo badalaan Calaamadaha lagu garanayo Ee ay ka mid yihiin Midabka Gaariga Taarigada iyo Numberada Taas oo keeni karta iyadoo Hay,adaha amnigu sidaa u Ogyihiin Falkaas in uu hadana dhaco  Hadaba Hay,adaha amnigu Macluumaad intaa la eg oo ay heleen in ay  Bulshada la wadaagaan ma saxbaa ?

Xigasho:KNN

Section  Somali
Category   Local News
Tags  amaanka muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS