7 entries

Articles Published on June 10, 2014

Wasiirro ka tirsan Xukuumadda oo ku wajahan Gobolka Shabeellada Hoose

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, Cabdullaahi Goodax Barre iyo wasiirka gaashaandhigga ahna ku simaha wasaaradda amniga Qaranka, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa lagu wadaa inay maanta tagaan deegaannadii lagu dagaalamay ee gobolka Shabeellada Hoose.

Laba qof oo xalay lagu Toogtay Baydhabo iyo Dibadbax la Qaban-qaabinayo

Labada qof ayaa xalay lagu dilaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay. Labadan qof mid ka mid ah ayaa ahaa askari ka tirsan ciidamada madaniga xaafadaha Baydhabo, halka kan kalena uu lahaa goob lagu iibiyo daawooyinka (Farmashiyo) laguna magacaabi jiray Maxamed Deeq oo si weyn loogu yaqaano Baydhabo, waxaana lagu toogtay laanta Mursal ee xaafadda  Horseed.

Madaxweynaha Puntland oo sheegay in uu isbadal ku sameenayo Maamulkiisa

Madaxweynaha  Maamul Goboleedka Puntland C/wali Max’ed Cali Gaas oo Wareysi siinayey TV-ga Soomaalia Chanell ayaa sheegay in uu si badal ku sameenayo Maamulka,gaar ahaan Amaanka Dhaqaalaha ,Garsoorka iyo sidoo kale Dhimista Shaqaalaha Maamulka Puntland.

Beelihii ku Dagaalamay Shabeelaha Hoose oo si isku mid ah u edeeyay Dowlada..

Beelihii dhawaan ku dagaalaShabeelaha hoose ayaa siyaaba kala duwan ugu eedeeyay Dowlada Soomaaliya Dahaalka Socda Gobalkaasi.

Maamulka Gobolka Hiiraan oo Gacanta ku dhigay Dad Gobolka Dil ka geystay

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax ayaa sheegay in Ciidamada Amaanka Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Hiiraan ay soo qabteen Koox Dad Shacab ah ku dilay Deegaanka Beergadiid ee Gobolka Hiiraan.

12 qof oo ku dhimatay dagaallo ka socda deegaanno ka tirsan Galgaduud

Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhimatay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal beeleedyo saakay ka bilowday deegaanno ku yaalla dhulka miyiga ah ee degmada Guri-ceel iyo deegaanka Balanballe ee gobolka Galgaduud.

Saraakiil ka socoto UNSOM oo xabsiga dhexe ee Muqdisho booqday

Saraakiil ka socota hay’adda Qaramada Midoobay ayaa socdaal kormeer ah ku tagay xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, halkaas uu ku socdo howlo dayactir ah.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS