Magaalada Adis Ababa oo lagu qabtay Ruux Soomaali ah oo doonayay in uu is qarxiyo

Dowlada Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay ka hortageen weerar isqarxin ah oo laga fulin rabay Magaalada Adis Ababa, ayna gacanta ku dhigeen ruux katirsan Al-Shabaab ay tilmaameen in uu doonayay in uu weerarkaasi fuliyo.

Magaalada Adis Ababa oo lagu qabtay Ruux Soomaali ah oo doonayay in uu is qarxiyo

War ay maanta soo saartay Dowlada Itoobiya ayaa lagu sheegay in Ciidamada kahortaga argagaxisa ay gacanta ku dhigeen Ruux katirsan Al-Shabaab oo doonayay in meel kamid ah Magaalada Adis Ababa uu isku qarxiyo .

Warbaahinta Dalka Itoobiya oo si weyn wax uga qoray arinkan ayaa sheegay in ruuxa la qabtay uu yahay Soomaali uuna katirsan yahay Al-Shabaab , waxa ayna tilmaameen Warbaahinta in qorshaha ruuxaan uu ahaa in uu isku qarxiyo goob aan la carabaabin oo Magaalada kutaala.

Ciidamada kahortaga Argagaxisada Dalka Itoobiya ayaa su’alao weediinaya ruuxa la sheegay in uu doonayay in uu is qarxiyo , Dowlada Itoobiya ayaana wali shaacin magaca ruuxa la xiray iyo faah faahino intaasi dheer.

Dhawaan ayaa Dowlada Mareykanka waxa ay Itoobiya uga digtay in ay jiraan Weeraro argagaxiso oo la maleegayo in laga fuliyo dalkaasi , lamana oga digniintaasi in ay la xariirto ruuxan hada ay qabteen Ciidamada Itoobiya.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  ababa Adis

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS