Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay inay qaadayso tallaabooyin ay ku xadidayso qaadashada baasaboorka dublamaasiga, isla markaana dib looga soo celin doono dadka ay sheegtay inay si qaldan ku qaateen.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa sheegay inay shacabka Muqdisho ku nool kala tashan doonaan sidii lagu sugi lahaa ammaanka guud ee caasimadda.
Guddoomiyaha gobolka Bakool, Maxamed Cabdi Tall oo la hadlayay idaacadda VAO-da ayaa sheegay in dagaalka ka socda gobolka Bakool ay qayb ka qaadanayaan xoogag ka tirsan Jabhada ONLF ee dagaalka kula jirta dowladda Itoobiya.
Dowlada Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay ka hortageen weerar isqarxin ah oo laga fulin rabay Magaalada Adis Ababa, ayna gacanta ku dhigeen ruux katirsan Al-Shabaab ay tilmaameen in uu doonayay in uu weerarkaasi fuliyo.