Duqa Magaalada Muqdisho oo safarkii u horeeyay saakay uga ambabaxay magaalada Muqdisho

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa saaka safarkii u horeeyay uga ambabaxay magaalada Muqdisho, isagoo u dhoofay magaalada Istanbul .

Duqa Magaalada Muqdisho oo safarkii u horeeyay saakay uga ambabaxay magaalada Muqdisho

Wafdiga Duqa Muqdisho ayaa waxaa ku wehliya Engineero Soomaaliyeed, waxaana socdaalkooda uu qeyb ka yahay howlaha dib u dhiska iyo horumarinta mashaariicda ee Hey’adaha Turkiga ka wadaan magaalada Muqdisho.

fhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Axmed Cismaan Showqi ayaa u sheegay warbaahinta in wafdiga Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ay goor dhow u duuleen magaalada Istanbul.

Wararka ayaa sheegaya in socdaalka Gudoomiyaha uu la xiriiro mataaneynta Muqdisho iyo Istanbul, oo horay maamulkii hore ee Gobolka Banaadir uu hogaaminayay Maxamuud Axmed Tarsan ay taaba geliyeen mataaneynta labada magaalo.

Heshiisyo horay labada duq magaalo u kala saxiixdeen ayaa lagu wadaa in la sii xoojiyo, waxaana horay Turkiga uga waday magaalada Muqdisho howlo dib u dhis iyo mashaariic horumarineed.

 Waa safarkii u horeeyay ee Gudoomiye Muungaab uga ambabaxo magaalada Muqdisho, tan iyo markii xilkan loo magacaabay dhamaadkii bishii Febraayo ee sanadkan.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muungaab

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS