Dagaal khasaare badan geystay oo mar kale ka dhacay deegaanka Aato

Ugu yaraan 20-qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa ku dhintay, tiro intaas ka bandanna way ku dhawacmeen dagaal ciidamada Liyuu Boolis ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo dhinac ah iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Aato ee gobolka Bakool.

Dagaal khasaare badan geystay oo mar kale ka dhacay deegaanka Aato

Dagaalkan oo dhacay shalay gellinkii dambe ayaa gaaray illaa xalay fiidkii iyadoo lasoo sheegayo in ciidamada dowladda iyo kuwa Liyuu Booliisk ay ku sugan yihiin deegaanka lagu dagaalamay.

“Al-shabaab waxaan dagaalka kaga dilnay 74 ruux, wayna iska carareen, hub fara badanna waan ka qabsannay,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur oo warbaahinta la hadlay.

Sidoo kale, Lugbuur ayaa sheegay in dagaalka ay Al-shabaab soo qaadday, balse la jabiyay, wuxuuna xusay in maanta ay qorsheynayaan inay daba-gal ku sameeyaan xoogaggii Al-shabaab.

Ma sheegin khasaaraha dhankooda dagaalka kasoo gaaray, inkastoo uu xusay inay jiraan dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhankooda, waxaana uu dagaalkan noqonayaa kii labaad oo khasaare badan geysta oo ka dhaca Aato.

“Inta badan Al-shabaab waxay xiraan jidadka gala magaalooyinka ay dowladdu gacanta ku hayso, arrintaasna waan ka tashannay, waxaana socda qorshe aan jidadka ku furayno,” ayuu Sheekh Lugbuur hadalkiisa ku daray.

Inkastoo sarkaalkan u hadlay dowladda Soomaaliya uu guul ka sheegtay dagaalka haddana ma jiro weli war kasoo baxay dhinaca Al-shabaab oo sheegay khasaaraha dagaalka inta uu le’eg yahay.

Deegaanka Aato oo ku dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa toddobaad ka hor waxaa dhinacyadan ku dhexmaray dagaal culus oo sababay dhimashada ugu yaraan 31-qof iyo dhaawac intaas ka badan.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  Bakool

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS