Ciidamada gaarka ah ee Dowlada iyo kuwa AMISOM oo saakay howlgal aan caadi aheyn ka sameeyay Muqdisho

Ciidamada Dowlada Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan iyo Ciidamada AMISOM ayaa saakay howlgalo balaaran waxa ay ka sameeyeen Xaafado katirsan Magaalada Muqdisho.

Ciidamada gaarka ah ee Dowlada iyo kuwa AMISOM oo saakay howlgal aan caadi aheyn ka sameeyay Muqdisho

Howlgalka xoogiisa ayaa saakay laga sameeyay xaafado ku teedsan laamiga Warshadaha iyo xaafado kale oo la tuhmayo in ay ku sugan yihiin Xubno katirsan Al-Shabaab oo Magaalada Muqdisho ka fuliya weeraro iyo qaraxyo.

Ciidamada wada jira ayaa howlgal guri guri ah waxa ay kasameeyeen xaafado dhoor ah ay kamid tahay Xaafada Warshada Caanaha oo isbuucii hore qarax miino lagula eegtay Taliyaha Ciidanka Milatariga SoomaaliyaJen Daahir Indho Qarshe.

Howlgalka ay maanta ay sameeyeen Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa wax uu ka badalnaa kuwii hore , ciidamada ayaana saakay xiray wadooyinka xaafadaha ay howlgalka ka wadeen waxa ayna guri guri u galayeen xaafadaha halkaasi ay kasoo xirayeen dadka laga shakiyo.

Goob joogayaal kusugan Xaafadaha howlgalka laga sameeyay ayaa ku waramay In Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay xireen dhalinyaro badan ay ka shakiyeen kuwaa oo loola dhaqaaqay Xarunta Dambi baarista CID-da si baaritaano loogu sameeyo.

Howlgalka maanta ay sameeyeen Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa imaanaya xili Magaalada Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhacayeen qaraxyo iyo Dilal qorsheesan oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyaan Al-Shabaab.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  howlgal

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS