Al-shabaab oo ku goodisay inay Qaraxyo kale ka geysan doonto Muqdisho
Xarakada Al-shabaab ayaa mar kale ku hanjabtay inay qorsheynayaan qaraxyo kale oo ay Muqdisho ka geystaan, iyadoo sarkaal u hadlay uu sheegay in qaraxyadii hore ee dhici jiray ay ka waaweynaan doonaan kuwa soo socoda.
“Weerarrada kusoo socda Muqdisho waa kuwo ka waaweyn kuwii hore ee ka dhacay, waxaana ballanqaadaynaa in cadowga Muqdisho jooga aysan nabad ku joogi doonin,” ayuu ku yiri hadal uu siiyay warbaahinta Al-shabaab.
Sidoo kale, wakiilka ayaa intaas ku daray in weerarradooda ay la beegsan doonaan dowladda Soomaaliya iyo AMISOM, isagoo xusay in ammaan-darrada ka jirta Muqdishana ay sumcad-xumo u tahay dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sh. Maxamuud.
“Madaxtooyada iyo baarlamaanka oo ahaa goobihii ugu muhiimsanaa ee ay gacanta ku haysay dowladdan maqaar-saarka ah ayaa la weeraray, maxaa kale oo u dhiman. Waxaanse caddeynayaa in weerarrada soo socda ay ka weynaan doonaan kuwaas,” ayuu hadalkiisa ku daray Sheekh Cali Maxamed.
Al-shabaab ayaa uga digtay shacabka Soomaaliyeed inay u dhawaadaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa ka socda Midowga Afrika ee AMSIOM.
Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo maalmo ka hor uu taliyaha nabad-sugidda Qaranka Soomaaliyeed, Jen. Bashiir Goobbe uu sheegay inay heleen warar sheegaya in Al-shabaab ay qorsheynayso inay qaraxyo ka geystaan Muqdisho.
Inkastoo xukuumaddu ay isku dayayso inay adkeyso ammaanka haddana Al-shabaab waxay geystaan qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay la beegsadaan dadka ay ku tuhmayaan inay dowladda la shaqeeyaan iyo xarumaha dowladda
Comments